Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo katirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa warwar weyn ka muujiyey in ay doorashada madaxtinimada ee dalka ka qorshaysan bisha March ee sannadkani waqtigeeda ku qabsoonto, waxana uu hoosta ka xarriiqay in abaarta jirta iyo qabyo ku jirta arrimaha doorashooyinku masuul ka yihiin dib u dhacaas, waxaanu yidhi:
โAbaartu waxa ay saamaysay tirada yar marka dadka codeeya la isku daro, laakiin awooddii dawladdu maku filan tahay inay labadaas isku qaybiso oo dhinacna aynu gurmadka ka galno, dhinacna aynu doorashada ka galno,ย ilaa hadda ma hayno kaadhadhkii doorashada lagu geli lahaa, ma hayno oo xataa tirada loosoo sameeyey ma ogin, haddii waxaas oo dhammi ay diyaar yihiin waa la geli karaa, haddii kalena sabtidaba Komishanka way kasoo bixi kartaa inaanay qaban Karin doorashada waqtigeedii, anigase way igu adag tahay taasi.โ
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka digay in dib u dhacaasi waqti badan qaato, isaga oo xusay in baahi loo qabo helitaanka fursad lagu sugo inta roobku daโayo oo qudha,
โHaddii muddo-kordhintu noqoto midย farsamo waxa aynu heli karnaa fursad uu roobku ku daโo, markaa ma aha sannado, muddo-kordhintanina waa ta ina hodday oo waa inaynu ka cararnaa.โ
Muddo ka yar-maalmood, ayaa ka hadhsan waqtigii loo qoondeeyey in ay qabsoomaan doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshaysani, waxana bulshadu dhawrayaan in ayย doorashooyinkaasi qabsoomaan iyo in ay komishanku ku dhawaaqaan dib u dhac kale oo yimaadda.
https://www.youtube.com/watch?v=g1gjisRGBIA
Xigasho: Hubaal Media