Norway: Waddanka ugu farxadda badan dunida

 

Shalay oo bishu ahayd 20-ka March 2017 waxay ku beegnayd Maalinta Farxadda Adduunka ayaa Qaramada Midoobay soo saartay warbixin muujinaysa liiska sida dadyowga dunidu u kala farxadda badan yihiin.

Norway ayaa noqotay waddanka ay dadkeedu ugu farxadda badan yihiin dunida. Sababtu sida warbixinta lagu sheegay maaha in ay Norway dhaqaale wanaagsan haysato balse waa in ay leedahay nidaam dawladeed oo aad u wanaagsan oo ay dadkeedu isku hallayn karaan kuna kalsoon yihiin iyo in ay xididdada u siibeen musuqmaasuqa nooc uu yahayba.

Waddamada kale ee ku soo xigaa waa Denmark, Iceland iyo Switzerland oo ay Norway ka wada tirsan yihiin Yurubta Koonfureed.

Waddanka ay colaaduhu halakeeyeen ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa noqotay dalka ay dadkiisu ugu farxadda hooseeyaan adduunka.

Bahda Bandhige waxay bulshada caalamka ugu hambalyeynayaa Maalinta Farxadda Adduunka.

Bandhige@gmail.com