Xubnaha u dhashay Somaliland ee xilalka looga magacaabay Soomaaliya

 

Ra’iisal-Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta dhisay xukuumaddiisii. Wixii ku soo daray xubno reer Somaliland ah oo uu qaarkood u magacaabay xilal culus oo ay ka mid yihiin Ra’iisal-Wasaare-Xigeen iyo Wasiirka Maaliyadda.

Marka laga reebo Ra’iisal-Wasaare-Xigeenka oo ah la-taliyihii arrimaha sharciga ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, xubnaha kale waa qaar horey u aaminsanaa mabda’a Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan sheegtay in ciddii dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee xil ka qabata Soomaaliya aanay ku metelin dadka reer Somaliland.

 

Khadar Axmed Guuleed- Ra’iisal-Wasaare-Xigeenka Cusub ee Soomaaliya

Hoos ka akhriso liiska xubnaha reer Somaliland iyo xilalka ay ka qabteen Soomaaliya.

1- Khadar Axmed Guuleed- Ra’iisal-Wasaare-Xigeen ย (Maroodijeex)

2- Cabdiraxmaan Ducaale Bayle- Wasiirka Maaliyadda (Awdal)

3- Khadra Axmed Ducaale- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha (Togdheer)

4- Saalax Axmed Jaamac- Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha (Sanaag)

5- Jamaal Xasan- Wasiirka Qorshaynta iyo Is-kaashiga Qaranka (Sanaag)

6- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka (Sool)

Bandhige@gmail.com