Norway waxay dhisaysaa marinkii koowaad ee dunida ee maraakiibtu marto oo buur ka dhex dusaya

 

Dalka  Norway ayaa taariikhda ku galaya in uu dhisayo marinkii ama “tunnel-kii” koowaad  ee dunida oo ay maraakiibtu marto ee  ka dhex dusabuur ama “tunnel” ah. Hore waxa u jiray dariiqyo buuraha ka dhex dusa ama dhulka hoostiisa maro oo ay tareennada iyo baabuurtu maraan.

Marinkan oo loo bixiyey “The Stad Ship Tunnel” waxa laga dhisayaa deegaanka la yidhaa Stad ee ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka, masaafadiisu waa 1700 oo mitir,  dhererekiisu waa 37 mitir, ballaciisu waa 26.5, waxaanu awood u yeellanayaa maraakiibta qaadkoodu gaadhsiisan yahay ilaa 16,000.

Xukuumadda Norway ayaa sheegtay in kharashka ku baxayaa uu yahay lacag u dhiganta 250 milyan oo ginida Ingiriiska ah.

Wasiirka Gaadiidka ee Norway Ketil Solvik-Olsen ayaa sheegay in marinkani meesha ka saari doono maraakiib meel dheer ka soo wareegi jirtay taas oo kharashka shidaalka iyo wakhtigaba yarayn doonto. Sidoo kale, marinkani wuxu meesha ka saari doonaa dariiqii ay maraakiibtu ka soo wareegi jirtay oo xaallado dhinaca cimilada ahi ka iman jireen.

Dalka Norway ayaa lagu ammaanaa maamul-wanaag iyadoo 20-kii March ee sannadkana loo aqoonsaday dalka ay dadkiisu dunida ugu farxadda badan yihiin. Sababtu maaha in ay dhaqaale fiican haystaan, laakiin sababtu waa in ay xukuumad wanaagsan haystaan, dhaqaalaha si fiican u maamulaan, musuqmaasuqana nooc uu yahayba suuliyeen.

Bandhige@gmail.com