Ubucda xidhiidhka wanaagsan iyo xidhiidhka qlafsan waxa keena baahida daawladkasta u qabto inaay daryeesho dadkeeda iyo dalkeeda, isla markaas waxa koow ka ah inaay dhaqaale loo helo qabyo tirka baahida muwaadiniinta ee dhinacyada nolosha asaasiga ah, koboca tayada dadwaynaba iyadoo labo waddan oo kasta laays waaydaarsanaayoo khayraadka kala duwan ee aay leeyihiin labada dal(comparative advantage).
Hadaba waxa wadankasta la gudboon inuu qeexo ilihiisa dhaqaale iyo inaad qeexdo doonistaada dhaqaale iyo dantaada sidoo kale aad taxdo wadamada sida gaarka ah danta dhaqaale idiinka dhaxasyso iyo danta wax-is-waaydaarsi adoo ka fikiraysaa inaad yeelato saaxiibtinimo waarta oo ku tiirsan duruufo cidkasta aanay ka talaabsan karin (wadanka maalgashiga sameeyaa dhoowrasho ayuu ku khasbanyahay, kan la maalgashadayna xeeerin ayaa dabraysa), waxa halkan ka talaabo qaadmaya xidhiidhka dimloasiyadeed oo ku dhisan duruuf dhaqaale iyo mid amni oo iskaabaya, dhaqaaluhu waana asalka iyo derejada labaad ee danta guud ee dunidu u wada xidhiidhayso marka laga yimaadoo afkaarta oo koow ugu jirta xidhiidka dunida.
Tolmoonaanta iyo dhiicada dibloomaasiyada, waxa ka muhiimsan koboca dhaqaalaha oo toosnaada waana kaabaha iyo dhisaha waxaad aaminsantahay fikir ahaan iyo dheelitirka gaar ahaan waddama u ka dhexeeyoo aloolka dibloomaasiyadda. “Hadaad sabooltahay fikirkaaga iyo dhawaaqaagu midna meel gaadhi maayoo”.
Hadaba sidaas ayaa loogu loolamayaa badsiga iyo beer-dhigaalaynta xogaha iyo hanashada dhaqaale ee dakhli ahaan durugsan taasoo waddankasta leeyahay si’aad uga ujeed -gaadho fidinta fikirkaaga.
Ugu dambaayn, siyaasigu waa marjaca iyo nus-dambeedka hagista dhaqaale iyo dhisidda fikirka qaran.
Siyaasiga waxaa laga rabaa inuu la jaanqaado isbedelada ku dhacaayaa dhinacyada dhaqaalaha ee dunida kale iyo kaabayaashiisa sida: xidhiidhka caalamiga ah, hindiska tiknoolajiyadda, carbiska ciidamada kala duwan iyo koboca shuruucda bilaa xuduudka ah taasooy barbar ordayaan in hogaamiyaha siyaasiga ahi leeyahay isku filaanshiyo iyo u adkeeysi dabeecadaha kala duwan ee dunidu leedahay, sidoo kale la jaan qaadi karaa horuamrka & hogaanka wanaagsan ee dunida ka soo jiray.
Sababta habsankaagu maaha inaad meel isyuubto adoo bilaa ujeed ah, bilaa heshiis saaxiib ula ahaatoo waddamo kale adoo heli kara kuwo aad isfahmi kartaan.