Obama iyo Trump waxay ku kulmeen Aqalka Cad

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

Kulankan ayaa la sheegay in uu qaatay ku dhowaad 90 daqiiqo. Sidoo kale waxaa booqashada ku weheliyey Trump xaakiisa Melania Trump, waxaana soo dhoweysay Michelle Obama.

Kulankaasi kadib ayaa labada nin waxay si kooban ula hadleen saxaafadda. Madaxweyne Obama oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay in uu wadahadal wanaagsan la yeeshay Trump. Waxa uu sheegay in isaga iyo golihiisa wasiirrada ay ka shaqayn doonaan sidii xil wareejinta ay ugu fududaan lahayd Trump iyo maamulkiisa.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu doonayo in Trump uu guulaysto, waxaana uu intaas ku daray in haddii Trump uu guulaysto ay ka dhigan tahay Maraykanka oo guulaystay.

Dhinaca kalena waxaa halkaasi ka hadlay Trump oo sheegay in waqtiga ay kulmeen ay ka wada hadleen qodobo kala duwan oo iskugu jira kuwo adag iyo kaleba. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu socon karay muddo dheer, isgaoo muujiyey in uu xiiso lahaa. Waxa uu sheegay in aanu hore ula kulmin Obama balse uu ka filayo Obama talooyin mustaqbalka.

Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay Obama in uu yahay nin wanaagsan.

Labada nin ayaa diiday in ay wax su’aalo ah ka jawaabaan markii saxaafadda loo oggolaaday qolka ay ku shirayeen.

bandhige@gmail.com