Obama oo booqday Horishima 70 sanno kadib markii uu Maraykanku nukliyeerka ah ku dhuftay

 

Kadib markii Madaxweyne Barack Obama ka qayb-galay shirkii G7 oo lagu qabtay  magaalada Ise-Shima ee Japan wuxu u gudbay magaalada Horishima, wuxuna noqday Madaxweynihii koowaad ee Maraykan ah ee booqda magaalada Hiroshima wixii ka dambeeyey markii Maraykanku bam nukliyeer ah ku dhuftay 70 sanno ka hor.

Ugu yaraan 210,000 oo qof ayaa naftoodii ku waayey weerarradii nukliyeerka ee Maraykanku ku qaaday Hiroshima iyo Nagasaki  6-dii iyo 9-kii August 1945-kii.

Hiroshima2 Hiroshima3

Labadiibam ee nukliyeerka ahaa ee Maraykanku la beegsaday Hiroshima iyo Nagasaki waxay noqdeen kuwii soo af-jaray dagaalkii 2aad ee dunida kaas oo guushu raacday Maraykanka iyo xulufadiisii, waana labada jeer ee kaliya ee taariikhda dunida loo adeegsaday bam ka samaysan nukliyeer.

Barack Obama ayaa sheegay in booqashadiisu muujinayso in wax kasta oo aadamaha soo mara laga heshiin karo laakiin wuxu diiday in uu raaligelin ka bixiyo falkaas uu Maraykanku ku gummaaday dadweynaha reer Japan. Maraykanka ayaa ku dooda in bambkii lagu dhuftay Hiroshima iyo Nagasaki uu ahaa kii soo gunaanaday dagaalkii 2aad ee dunida nabadgalyada caalamka baankiisa hadda ka jirtaa ay ku salaysan tahay go’aankaas, sidaas daraadeed ma doonayo in loo arko in uu ahaa go’aan khaldan.

Hase ahaatee dawladaha ka soo horjeeda siyaasadda Maraykanka ayaa ku canaanta Maraykanku in uu qiran kari laayahay mid ka mid ah gummaadkii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dunida.

Af-hayeenka guriga gacad oo goor dhawayd shir jaraa’id qabta ayaa sheegay in laba dal oo mar ahaa cadowga ugu xun dunida ay maanta yihiin saaxiibada ugu wanaagsan dunida, booqashada Madaxweyne Obama-na ay taas ka turjumayso.

Xuska 70-guurada Nagasaki
Haween u murugoonaya dadkii ku wax-yeeloobay bomkii lagu dhuftay Japan. Sawirka waxa la qaaday xuskii 70-guurada, 9 August 2015