Wasiirka Madaxtooyadda waxa uu ka qayb galay munaasibad lagu caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq “Sanbuur”

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayey ayaa maanta Degmada Beer ee gobolka Todheer ka qayb galay munaasibad balaadhan oo laga caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq “Sanbuur”.

Munaasibada Suldaanka oo ahayd mid si wayn loo agaasimay isla markaana ay ka qayb galeen marti sharaf heer sare ah oo ka kala socday Xukuumadda Somaliland, Salaadiin reer Somaliland ah iyo kuwo ka socday dalka Soomaaliya ayaa maanta ka qaybsoontay Degmada Beer ee Gobolka Todheer.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka jeediyey khubad ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa:

“Ugu horayn waxaan hamalyo u dirayaa beelaha Ibraahin Sheekh Isaxaaq “Sanbuur”, waxaan ku hambalyeynayaa cugashada iyo doorashada ay doorteen inuu Suldaan guud u noqdo Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad waanu ku hambalyeynaynaa, waxaanu leenahay waxaanu ka markhaati kacaynaa bulshada halkaas isugu timid ee madax dhaqameed gobolada Somaliland ka timid leh iyo kuwa Soomaaliya ka yimid, waxay dhammaantood ka markhaati kaceen in aad doorateen qof ku haboon mansabka iyo xilkaas aad u dhiibateen, qofka masuulka laga dhigo laba jeer ayaa la qiimeeyaa mar sadexaad lama qiimeeyo, marka la caleemo saarayo waxa la qiimeeyaa dadka ka soo qayb galay iyo nooca ay yihiin waxa ay ka turjuntaa qofkaas iyo qiimahiisa,  waa munaasibada aynu maanta joogno oo kale, waxa aynu nahay khaliifadii Illaahay ee dhulka, dadka wanaagsani markhaati beena ma furaan, waxay ka markhaati kacaysaa gogashan inaga oo qiimaynayna beelaha Ibraahim Sheekh Isaxaaq ayeynu martiqaadkan nimid Xukuumad, xisbiyo shacab iyo madax dhaqameed.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxa kale oo aynu nimid madashan inaga oo qiimaynayna qofka la caleemo saaray, markaas waa la qiimeeyaa, marka uu dhintana waa la qiimeeyaa Jinaasadiisa dadka ka soo qayb gala iyo waxa laga yidhaa.

Wasiir  Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay shaqsiyada loo caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq waxaanu yidhi:

“Waxa aynu leenahay maanta madashani waxa ay ka markhaati kacaysaa in beelaha Ibraahin Sheekh Isaxaaq ay doorteen masuul qiimo leh, bulshada dhexdeedna lagu yaqaano wanaag, Illaahay ha u barakeeyo inaga ha inoo wada barakeeyo. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad dadka yaqaan ayaan ku jiraa dhawr iyo sodon sanadood in ka badan ayaan aqoon fiican u lahaa, Jid ayaanu wada marnay, Jabad ayaanu wada degnay jidiina waanu wada cunay waa sadexda qof lagu maro, duruuf badan ayaanu soo wada marnay waxaan ku aqaanaa dul, waanu soo wada shaqaynay hawlo badan oo nabadayneed iyo khayr ayaanu ka soo wada shaqaynay Cadaaladna waan ku aqaanaa, waxaan ka markhaati kacayaa inay doorteen qof masuul ah oo wanaagsan, waxaan Illaahay ugu barynayaa inuu khaatumadiisa u wanaajiyo xilkaasna uu ku asturo, inaga Illaahay inuu dariiqa wanaagsan iyo khaatumada uu ina waafajiyo.”

bandhige@gmail.com