Obama oo ka saaray Netanyahu liiska saaxiibadiisa Facebook-ga

Xidhiidhka Madaxweyne Obama iyo Ra’iisal Wasaare Netanyahu ayaa galay xaalad adag todobaadkan ka dib markii Obama ka saaray Netanyahu liiska saaxiibadiisa Facebook-ga .

Inkastoo aanay weli caddayn wakhtiga Obama uu ka tirtiray Facebook-giisa (undfriend ku sameeyey) dhiggiisa Israa’iil oo ay hore saaxiibo uga ahaayeen Facebook-ga, waxase loo badinayaa in ay ku beegnayd wakhtigii, uu Netanyahu aqbalay marti-qaadkii Boehner Af-hayeenka Golaha Baarlamaanka Maraykanka uu Netenyahu kaga dalbaday in uu Maraykanka ku yimaad iyadoo aan xukuumadda Maraykanku martigelinayn. Netanyahu ayaa arrintan ogaaday shalay, wuxuna sidaas uga warramay ilo isaga ka ag dhaw.

Aqalka cad ayaan wali wax wara ka soo saarinta arrinkan ku cusub xidhiidhka Maraykanka iyo Israa’iil, haseyeeshee ilo-wareedyo ka ag dhow Obama ayaa sheegay in liiska saaxiibadda Obama buuxsamay, isla markaana uu Obama rabay in uu liiska saaxiibadiisa Facebook-ga ku daro Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Maxamed Javad Zarif, taasina ay keentay in uu ka saaro Netanyahu kadib markii Iiraan iyo isbahaysi quwadaha waaweyn ah oo Maraykanku horkacayo ay Iiraan heshiis la saxeexdeen.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in saaxiibtinimada uu Obama tirtiray aanay ahayn mid shaqsi ah laakiinse uu khaatiyaan ka istaagay Sara Netanyahu (xaaska Netanyahu) waa maalin kasta wax ku soo qorta bartiisa Facebook-ga iyo Netanyahau oo si aan kala joogsi lahayn Obama ugu soo casuuma ciyaarta loo yaqaan Candy Crush.

Dhinaca kale ilo-0wareedyo laga helayo Aqal Cad ayaa sheegay in xidhiidhka Maraykanka iyo Israa’iil wali yahay mid adag oo aan waxba isk beddelin.

Laakiin Obama iyo Netenyahu waxay ka wada socdaan dhinaca Twitterk.

bandhige@gmail.com