Maxamed Mursi ayaa gebi ahaanba cuntada ka soomay inta uu xidhan yahay

Madaxweynihii Hore ee Masar Maxamed Mursi oo xabsi ku jira tan iyo markii xukunka laga tuuray ayaa sheegay in uu joojiyey cuntada jeelka cabsi naftiisa darteed.

Intii lagu gudo jiray Sabtidii dib u eegista dacwadda basaasnimo oo lagu eedeeyey oo ku lifaaqan tahay dokumentiyo sirta ah ayaa Mursi sheegay in cuntadii la siiyey 21 – 22 Juulay loogu talo galay in lagu khaarajiyo.

Maxamed Mursi ayaa ka dalbaday Maxkamadda in loo ogolaado in uu la kulmo dhakhtaro, maadaama uu ka werwersan yahay in uu hooseeyo heerka sonkorta dhiigiisa.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in uu la kulmo qareenadda u doodayey isaga, si uu uga hadlo shan dhacdo oo lagu cabsi gelinayey oo lagu sameyeey.

Maxkamadda ayaa amartay in baadhis caafimaad lagu sameeyo caafimaadka Mursi, ka dib dalabkiisii.

Osaama Mursi ayaa sheegay in aabihii ka shakiyey cuntada oo imikana ka cabanayo heerka dhiiga oo hoos u dhacay, una baahan in lagu daweeyo xabsiga dhexdiisa.

Maxkamadda Qaahira ayaa Sabtidii dib u bilowday dhagaysiga dacwadaha basaasnimo ee lagu eedeeyey Maxamed Mursi iyo toban kale oo ku weheliya dacwadaas.

Mursi ayaa loo doortay Madaxweyne bishii Juun 2012 sannad iyo dheeraad ka dib markii xukunka lagaga tuuray kacdoon shacab Madaxweynihii hore Husni Mubaarak .

Hoggaamiyahan Ikhwaanal Muslimiinta Masar Maxamed Mursi ayaa xukunka lagaga tuuray inqilaab militari bishii Juulay 2013. Xukun tuurista Mursi ayey kooxda Ikhwaanal Muslimiinta la kulmeen burburin balaadhan oo kaga timid dawlada milateriga la wareegtay xukunka.

Muris ayaa lagu xukumay dil ka dib markii lagu eedeeyey dilka iyo isku day dil jebintii jeelka iyo kooxda ikhwaanal Muslimiinta oo la shaaciyey inay yihiin koox argagaxiso ah.

Mursi ayaa ka hor muuqday Maxkamadda isagoo xidhan dhar cas ee loo xidho maxaabiista dil sugayaasha ah.

bandhige@gmail.com