Obama waxa uu Aqalka Cad ku marti-qaaday wiil muslim ah oo booliska xidheen

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa marti-qaad u fidiyey wiil yar oo Muslim ah oo saacad macmal ah gurigiisa ku dhex sameeyey oo keenay dugsigii uu dhiganayey.

Axmed Maxamed oo dhigta dugsiga fasal sagaalaad ayaa ku noolaa gobolka Texas, ayaa la xidhay isniintii ka dib markii macalinkiisu u maleeyey saacad uu gurigiisa ku samaystay in ay tahay bom macmal ah ka dib ugu yeedhay booliska.

Arrinta Axmed aad loogu baahiyey baraha bulshadu kuwada xidhiidho sida Twitterka, Facebook-ga iyo baraha kale.

Sidoo Madaxweyne Obama ayaa isagu soo dhigta barta uu ku leeyahay Twitterka hadalo dhiiri gelinta Axmed ah, waxaan geliyey Obama erayada:

“Ahmed waxa uu rabay saacada uu sameeyey in uu keeno Aqalka Cad, waanu dhiiri gelin doonaa carruurta sidaa oo kale ah, waxaanad jeceshahay sayniska, tani waa waxa ka dhigay Maraykan in uu horumar gaadho.”

Baraha bulshadu kuwada xidhiidho sida Twitterka ayaa waxa lagu falanqeeyey arrinta Axmed ku dhowaad 224,000 oo jeer.

saacada bombka ug eg

 

bandhige@gmail.com