Bashar Al-Asad oo ku eedeeyey reer Galbeedka masuuliyada qaxoontiga dalkiisa

Madaxweyne Suuriya Bashar Al-Asad ayaa ku sheegay in waddamada reer Galbeedka in ay taageereen kooxaha xagjiriinta ee uu dagaalka kula jiro.

Dagaalka Suuriya ayaa bilaabmay sannadkii 2011-kii bishii Maaraj, ka dib xukuumadda Asad gacan bir kula dhaqmeen dad dibad-baxyo lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad.

Madaxweyne Asad oo la hadlayey warbaahinta Ruushka ayaa gebi ahaanba diiday in dawladiisa ka masuul tahay sababta keentay qaxoontiga Suuriyaanka ee ku sii qulqulaya Yurub.

Asad ayey waddamada reer Galbeedku ku eedeeyeen la qaxoontiga Suuriyaan ee buux dhaafiyey Yurub, waxaanu sheegay in eedaymaha reer Galbeedka ay yihiin qaar dacaayado raqiis.

Asad ayaa sidoo kale sheegay in ay halis galeen madaama ay ka danbeeyeen markii hore.

bandhige@gmail.com