Obama waxa uu ugu baaqay Itoobiya in ay joojiso bur-burinta mucaaridka

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama oo ku guddo jira booqashadiisii koowaad ee Itoobiya ayaa la kulmay Raysal-Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoo Itoobiya sannadihii u danbeeyey horumar xawliya ka samaysay dhinaca dhaqaalaha in kastoo dhinaca xuquuqda aadamah lagu dhaleeceeyey.

Shir-saxaafadeed ay wada-jir u qabteen Obama iyo Hailemariam ayaa Obama waxa uu ugu baaqay Itoobiya inay joojiso burburinta mucaaridka iyo cabudhinta saxaafadda xorta ah. Obama oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Waxaanu wada yeelanay dood furan oo ku saabsan dhaqaalaha dunidda ee ay hoggaamiyaan  teknoolajiyadda iyo internetku iyo kan Itoobiya ee kobcaya, waxaanan iswaydaarsanay fikiro badan.”

Isago ka hadlaya arrimaha dimuqraadiyaddana waxa uu yidhi:

“Waxaan aaminsan ahay marka la maqlo codadka dadka oo dhan iyo marka dhammaan dadka oo dhami ka qayb qaataan nidaamka siyaasadda waxay samaysaa dal xooggan, guulo iyo hindisidda fikrado cusub.”

Dhanka kale shir-saxaafadeedkan waxa ka hadlay Raysal-Wasaare Hailemariam Desalegn oo uu xisbigiisu dhowaan ku guulaystay dhammaan kuraastii baarlamaanka bishii May, waxa uu yidhi:

“fulinta dimuqraadiyaddu waa mid dhab, waa mid soo koraysa, waxaanan ka soo baxnay qarniyo badan oo aanan aqoonin dimuqraadiyad.”

Obama ayaa booqashadiisii Kiiniya ku booriyey inay sii wadaan horumarinta dimuqraadiyadda, la-dagaalanka musuq-maasuq iyo in ay kor u ka-qayb-galka siyaassadda haweenka. Waxa kale oo uu Obama u ballanqaaday Kiiniya in caawimo dhinaca ammaanka ah.

Booqashada Obama ee Itoobiyaa ayaa la filayaa maalinta Salaasada in uu khudbad ka jeedin doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, isaga oo ka hadli doona arrimo ay ka mid yihiin colaadda ka taagan Koonfurta Suudaan iyo xidhiidhka Maraykanka ee Qaaradda Afrika.

Booqashada Obama ayaa imanaysa goor ay waddammada Afrika xidhiidh ganacsi la sameeyeen waddanka Shiinaha. Isla dhismaha ay ku jiraan Midowga Afrika ee uu Obama khudbaddiisa ka jeedin doono waxa dhisay Shiinaha oo xafiiltan iyo hoos-ka-tuur siyaasadeed ka dhaxeeyo Maraykanka.

Hoos ka  akhriso warar kale oo kan la xidhiidha:

 Madaxweyne Obama waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Itoobiya

Madaxweyne Obama wuxu rajo hor leh u abuuray ganacsatada hal-abuurka leh ee Afrika

Obama oo ka ambabaxay Kiiniya kuna sii jeeda Itoobiya

Barack Obama oo hadda soo gaadhay Kenya, walaashii oo ku qaabishay madaarka

Madaxweyne Obama oo la filayo in uu maanta gaadho Kiiniya

Mulkiilaha Summer Time, Siciid Sheekh Cumar, wuxu ka qayb-galayaa kulan Obama u furayo ganacsatada hal-abuurka leh ee adduunka

Itoobiya waxay sii daysay suxifiyiin xidhnaa goor uu ku soo fool leeyahay Madaxweyne Obama

bandhige@gmail.com