Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka warbixiyay dayactirka dhismaha waddada isku xidha Hargesa iyo Sheekh

????????????????????????????????????

Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay ku wehelinayaan tiro ka mid golihiisa wasiiradda oo kormeer iyo xadhig ka jarida mashaariic hor-u-marineed ugu baxay Goboladda Bariga.

Waftigan oo uu ka mid wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa ka war-bixiyey dhismaha waddooyinka laga hir-geliyey wadadda u dhexay Hargeysa iyo Sheekh. waxaanu sheegay in dib u dhiska iyo dayactirka laga wado waddada isku xidha Hargeysa-Berbera-Burco-Sheekh ayaa u kala qabsoontay sidan hoos ku xusan:

Xamaas – Berbera = 36kiiloo mitir oo xidhiidh ah oo dhamaaday
Berbera – Sheekh = 20 Kiiloo mitir oo la dhamaystiry, inta hadhayna waa gacantaa lagu hayaa.

Waxa kale oo uu sheegay in isku-gayn in la dhamaystiray 56 kiiloo mitir oo ka mida 70kiiloo mitir oo hore Madaxweynuhu u dhagax dhigay oo laga dhisayey Sanduuqa Horumarinta Somaliland qaybtiisa Waddooyinka.

Wadadda isku xidha Berbera iyo Hargeysa ayey bulshada gaadiidleydu dhib badan kala kulmiye jireen, hadase waxay sahlaysaa in si dhibir gaadiidleydu uga gooshaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

bandhige@gmail.com