Xafiiska Barack Obama ayaa wuxu soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay, in madaxweynihii hore ee Maraykanka uu la dhacay dibed-baxyada ballaadhan ee looga soo horjeedo, amarka uu madaxweyne Trump ku mamnuucayo dadka ka imanaya waddamada Muslimiinta qaarkood in ay soo galaan Maraykanka.
Afhayeenka Obama, Kevin Lewis, ayaa sheegay in hoggaamiyihii hore uu si weyn u khilaafsan yahay in dadka loo takooro diinta ay aaminsan yihiin.
Waxa uu sheegay in ay tahay in la dhagaysto shacabka muujinaya dareenkooda, isla markaana mar waliba la raaco qiyamka uu ku dhisan yahay Maraykanku.
Dhanka kale, in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Ingiriiska, ayaa saxiixay dalab ay uga codsanayaan dawladdooda in ay baajiso booqashada la qorsheynayo in uu Trump ku tago dalkaasi dabayaaqada sannadkan.
Dalabkan ayaa jawaab u ah amarka uu soo saaray madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxoontiga.
Kuwa ka dambeeya dalabkan ayaa ku doodaya in boqorada ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Ingiriiska.