Toban sanno ka hor markii aan bilaabay waxbarashada heer jaamacadeed waxaan is weydiin jiray su’aalo la xidhiidha nidaamka qabaliga ah. Waxaan qabiilka iyo qabyaaladda u arki jiray xumaan iyo cillad-bulsheed oo baaba’ mooyee aan wax faa’iido ah lahayn. Sababtoo ah qabiilku wuxu ahaa wax nolol-maalmeedka ka mid ah, inta badana waxaan arki jiray iyadoo si taban loo adeegsanayo. Ardaynimadii waxaan ku siganay in aanu ku darsano xaadiriska fasalka abtirsiga qof kasta qabiilkiisa iyadoo waliba sharaxaad loo raacinayo. May jirin aqoon iyo garaad nagu dhiiri-galin kara in aan ka fogaano kala-sooca dadka iyo qabyaaladda.
Wakhtigaa waxaan ka fikiri jiray in qabiilka gebigiisaba meesha laga saaro laguna beddelo nidaam casri ah oo bulshada u hor seedi kara caddaalad, sinnaan iyo wadajir. Haddii laga tegi waayo, waxa i hor iman jirtay su’aasha ah marka qabiilka iyo tolnimada la iska dhaafo sidee loo ekaan doonaa bulsho ahaan? Maxayse noqon doontaa xabagta isku haysa dadka ama yey noqon doonaan rafiiqeyaasha aan is beddelin ee danta iyo duruuftu midayso? Cilmi ahaan waan fahansanaa faraqa u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladda, laakiin waxaan taagnaa kab iyo ****keed waa la isku xooraa.
Toban sanno kadib, maanta qalbigayga kuma jirto in qabiilka iyo ku-dhaqankiisa meesha laga saaro. Waxaban aaminsanahay in la daraaseeyo, lana sii horumariyo wanaagyada uu leeyahay. Waa maxay sababtu?
Ugu horrayn, qabiilku waa hannaan Ilaahay inoo dejiyey si aynu isugu aqoonsano, kamana guuri karno. Qodobka dooddu ka furan tahay waxa weeyi sida loogu dhaqmayo qabiilka iyo in laga gudbi karo hab-nololeedka ku dhisan qabyaaladda.
“Waxaanu idiin abuurnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu aqoonsataan, waxaa na idiinku sharaf badan Alle agtiisa kuwiina ugu Alle-ka-cabsiga badan” ayuu Ilaahay SWT yidhi.
Qabiilku faa’iidooyin ma leeyahay, mase laga gudbi karaa?
In kastoo fikradihii aan ka aaminsanaa xumaanta qabiilku ahaayeen kuwo qurux badan, haddana waxa ii muuqda in ay yihiin kuwo aan rasmi u shaqaynayn. Xalka ugu weyn ee lagu wada joogaa waa in aynu nahay qabiillo kala xishoonaya oo waxa kala xidha ama kala dabraa ay yihiin dhaqanka iyo xeerbeegtida/odayaasha. Nabadda iyo nidaamka kooban ee aynu helnay wuxu ku yimid haatana sal u ah is-qadarinta iyo wada-noolaanshaha beeluhu isla fahmeen. Mar haddii uu ku-dhaqanka qabiilku yahay wixii aynu ku kala nabad galnay, maxaa inoo diidaya in lagu sii horumaro si caddaali ahna loogu qaybsado khayraadka iyo dawladnimada? Dunida kale qabaa’ilka waxay ka guurtay markii ay samaysteen nidaam caddaalad ku dhisan oo kala bedbaadiya laakiin innaga wali innooma diyaarsana dhankii looga guuri lahaa. Sidaa daraadeed in la yidhaa qabiilka sidee ayaynu qodaxda uga gurnaa mooyee in la yidhaa qabiilka aynu ka guurno xal maaha.
Ardaynimadaydii qabiilka ceebtiisu xoog bay iigu muuqatay faa’iidadiisuse aad iiguma dhignayn. Sababtu waxay ahayd, walina ay tahay, iyadoo uu khayraadkeenu kooban yahay baahideenuna badan tahay ayaa haddana qabyaaladdii loo adeegsaday wax lagu kala sed bursado, la isku xifaaleeyo mararka qaarna la isku colaadiyo. Waa dhab in ceebahan iyo kuwo kale oo badan ay ka dhasheen ku-dhaqanka qabiilka una beddeleen qabyaalad fool xun, laakiin waxa iyaguna jira oo barbar socda faa’iidooyin aynu qabiilka ku qabno oo aynaan hoos u eegin. Waxaa ka mid ah nabaddaa aan soo sheegay. Waxa kale ka mid ah in qabiilku qeexo nasabiyadda Aadmaha guud ahaan, in la bartaana ay kaalin laxaad leh ka qaadato qofka garaadkiisa iyo damaciisa nololeed. Qabiilnimadu waxay abuurtaa in meesha xishood iyo xeerin timaado oo lagu kala dambeeyoo dadkuna ay noqdaan kuwo garta biri-ma-gaydada iyo maatida. Reerkii ku xad-gudba dhaqannada iyo xeerarka togan ee beelaha, ceeb iyo cambaar ayay qabiilkaas ku noqonaysaa sidii caadada Soomaalidu ahayd.
Waxaan iyaduna qarsoonayn in reernimadu tahay shirkad caaymis ah oo gashiga, magta, guurka iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee qofku u baahan yahay laguna dhammeeyoo marka xukunku dhaco labada dhinac na ku heshiiyaan. Nidaam qabiilka u dhigma ama ka tayo fiican oo caymiskaa qofka Soomaaliga ah u buuxin karana wali ma hayno. Tusaale ahaan markii ay dawladnimadii wiiqantay Somaalida dadkii hannaankooda qabaligu dhisnaa ee uu shaqaynayey hoggaankooda dhaqanku sida suldaanka, nabadoonka, caaqilka, malaaqa, ugaaska, garaadka, boqorka ee soo jireenka ahi waa ay u fududaatay in ay hab-nololeedkooda sii wataan qabaa’illada kalena kala heshiiyaan dagaalladii dhacay. Laakiin meelihii dhaqanku aanu ku xoogaanayn ee aan madax-dhaqameedku awoodda lahayn, nabadii iyo daawladnimadii wali way isla rafanayaan.
Qabiillada Somaalida, qabiil kasta waxa uu leeyahay dhaqan hoose oo la xidhiidha dhinacyada deeqsinimada, marti-soorka, gar-soorka, cod-karnimada, xeerinta iyo qaddarinta hoggaanka dhaqanka, kala dambaynta iyo hannaanka loo maro guurka. Waana ta keenta in qabiillada lagu kala ammaano. Mararka qaar sakhsiga qabiilkiisa waad saadaalin kartaa marka aad daristo hab-dhaqankiisa, waxad ku soo sooci kartaa wixii qabiilkiisa lagu xamanayey. Maadaama qabiil kastaa uu rabo in la ammaano, in ay dadkiisu qab lahaadaan, wuxuu ku qasbanaa in uu u dhaqmo sifooyinka dhaqanka Soomaaligu dhigayo. Qofkuna wuxu jeclaystaa in uu yeesho hab-dhaqanka gobanimada ah ee qabiilkiisa laga filayo. Waa faa’iido kale oo qabiilku leeyahay.
Maxaa ka qaldan qabiilka, mase la toosin karaa?
Waxyaabo badan baa ka khaldan ku-dhaqanka qabiilka. Marar badan wuxu hor seedaa isku dhac, colaad, sed-bursiimo, eex, qaraabo-kiil, hiil aan loo meel dayin, faquuqid ummad kale iyo cudduro kale oo badan. Waxanse aaminsanahay in cilladahaasi aanay inoo horseedi karayn in aynu ka guurno qabiilka, sababtoo ah waxa ka weyn baahida qabiilka loo qabo iyo waxa uu bulshada maanta uga dhigan yahay.
Way jiraan xanuuno qabiillada qaarkood ku dhaca oo ay is yiraahdaan waa la idinla dagaalamaya, waa la idinka badsaday, waa la idin cadaadinayaa ama waa laydin ka tiro badan yahay. Waxa iyaguna jira kuwo kale oo uu ku dhaco xanuun isla sarayn ah oo aamina in ay dadka ka badan yihiin ama ka xaq badan yihiin, ama ka fiican yihiin ama ka taariikh duwan yihiin. Waxaasoo dhami waxay sababaan is-urursi aan ku dhisnayn nidaam tolmoon, waxayna keentaa sidaan reer hebel isaga caabiyaa ama isaga reebaa. Cilladaha noocan ah waxa lagu dawayn karaa iyadoo qabiilku raaco dariiqa togan oo ah sidii ay sumcaddooda qabiil ahaan u dhisi lahaayeen, qabiillada kale u kasban lahaayeen isla markaana ugu dedaali lahaayeen gacanta sare iyo sidii ay hormood ugu noqon lahaayeen wanaag, is-qadarin iyo wada-noolaasho sinnaan iyo ilbaxnimo ku dhisan.
Iyadoo aan la dafikiri karin in qabiilku ceebaha uu leeyahay, haddana xaqiiqadu waxay tahay in aan laga gudbi karin. Qabiilku qofna kama foga, waayo noloshaada intii ugu badnayd waxaad ku soo noolaayd meel tolkaa ka talinaayo, waxaad u aragtaa dadka inta ugu wanaagsani ay iyaga yihiin, dadkana iyagu ugu badan yihiin. Weligaa jabka tolkaa lagaaga ma sheekaayn ee guushiisa ayaa lagugu canqariyay. Adigoo og in aad waxaas oo dhan aaminsan tahay, adigoo maalin walba u taagan difaaca danaha qabiilkiina, adigoo siyaasiga xaafadiina taageera, adigoo ganacsiyada xaafadiina taageera, adigoo noloshaaduba qabiil tahay, caqli maaha in aad laba-wajiilayn ku noolaato oo aad tidhaa qabiilka ha laga gudbo. Waad og tahay in dedaalkaasi aanu midho dhal ahayn, waxaana ka habboon in aad isku hawsho sidii ceebahaa qabiilku yeeshay loo tirtiri lahaa ama loo yarayn lahaa adiguna aad xanuunada taban ee qabiilka iskaga dawayn lahayd.
Ugu dambayn, waa in qofka hibmaalkiisa qabiilnimo la dhowraa si aqoomaysana loo horumariyaa qabiilka iyadoo laga dhiganayo hannaan lagu wada xisaabtamo, awoodda lagu qaybsado, khayraadka lagu qaybsado, khilaafaadka bulshadana intii suurogal ah, sida haddaba jirta, lagu xaliyo haddii ay gef tahay iyo haddii ay qudh-goyn tahayba iyadoo la waafajinayo diinteena. Qabiilka lagama bixi karo, waxtar badana wuu leeyahay. Sidee ayaynu u casriyeynaa, xumaanta uga reebnaa, wanaagiisa u horumarinaa, ugana dhignaa mid caddaaladdu sal u tahay?
Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Xasan Cabdi Shire:
Qofkasta oo dadaalaa maaha siyaasi ama hoggaamiye
Dunida xidhiidh-keeda waxa hagaya baahida dhaqaalaha!
Hambalyo ku socota dufcaddii sadexaad ee Maakhir University, Badhan
Qofkasta waxa uu leeyahay xuquuq iyo milgo dhaawrsan
Nidaamka hub-ka-dhigista, kala-daadinta iyo is-dhex-galka
Ma Dameer baa, mise waa libaax?
Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q1aad
Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q2aad
Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q3aad
Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q1aad
Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q2aad
Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q3aad
Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso!
Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah
Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay
Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha
Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha
Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta
WQ: Xasan Cabdi Shire