Wasiirka arrimaha dibedda Chad waxa loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Midowga Afrika. Wuxuu badeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhammaaday.

Faki waxa wareegii ugu dambeeyay kula tartamay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kiiniya Aamina Maxamed. Wuxuu helay 38 cod.

Faki ayaa horay Raysal-wasaare uga soo noqday dalka Chad.

Sidoo kale waddankaย Morocco ayaa waxay dalbadeen in dib ugu soo noqoshada Midowga Afrika

Waxa Guddoomiye-ku-xigeen loo doortay Thomas Kwesi, oo u dhashay dalka Ghana.

Madaxda Midowga Afrika oo ku shiraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxyaabaha ay labada maalmood ee soo socoto ka wada hadli doonaan waxa ka mid ah dalabka Morocco ay ku dooneyso in ay dib ugu biirto Midwoga Afrika oo ay ka baxday 32 sanno ka hor.

bandhige@gmail.com