Obama wuxu ugu baaqay dhallinyarada Chicago in isku diyaariyaan mustaqbalka hoggaamineed ee Maraykan

President Barack Obama speaks during the final press briefing for White House press secretary Josh Earnest, Tuesday, Jan. 17, 2017, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

 

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay daโ€™ yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusan siyaasadda gelin.

Obama ayaa sheegay in soddon sanno ka hor markii uu ahaa u ololeeye arrimaha bulshada ee magaalada Chicago uu ogaaday in dadka caadiga ah marka ay wada shaqeeyaan, ay sameyn karaan wax aan caadi ahayn.

Madaxweynihii 44-aad ee Maraykanka ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu gacan ka gaysto oo uu diyaariyo jiilkii sii wadi lahaa wixii uu qabtay ee dunida wajihi lahaa.

Obama ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay haystaan bulshada Mareykanka, ayna ka mid yihiin sinaan laโ€™aanta dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, iyo eexda ka jirta habka garsoorka Maraykanka, ayna u baahan yihiin in xal loo helo.

Obama ayaa tan iyo markii uu xilka ka degay saddex bil ka hor ka fogaaday in uu dadka kasoo dhex muuqdo, wuxuuna ka gaabsaday in uu ka hadlo jahwareerka siyaasadeed ee Washington.

bandhige@gmail.com