War-saxaafadeed: Dhakhaatiir iman donna Somaliland maalinta Khamiista ah

 

War-saxaafadeed ka soo baxayย xafiiska Somaliland ku leedahay Imaaraadka Carabta ayaa wuxu ku sheegay in ay dhakhaatiir ka socoto Imaaraadka Carabtu iman doonaan Somaliland maalinta Khamiista oo ku beegan 26-ka April.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sida tan:

Xafiiska Somaliland Mission UAE wuxuu ku wargalinayaa dadweynaha reer Somaliland in maalinta Khamiista ee bishu tahay 26-ka, April, 2017, ay dalka Jamhuuriyada Somaliand iman doonaan haddii Alle idmo kooxo dhakhaatiira oo ka socda dalka aynu walaalahanay ee Imaaraadka Carabta gaar ahaan (Zayed Giving Medical Initiative).

Kooxahaasi oo isugu jira dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaal caafimaad tiradooduna dhan tahay 18 qof, ayaa inta ay joogaan Somaliland waxay hawlgal caafimaad oo kala duwan ka fullin doonan goobo dhawra oo dalka gudihiisa ah.

Haddaba waxaanu ku wargelinaynaa shacbiga reer Somaliland in ay soo dhaweeyaan una diyaar garoobaan gargaarkaa binu aadaminimo ee ay dadkeena u fidinayaan dhakhaatiirtaasi. Taasi oo ku timid dedaal iyo karti ay saxaafadu ka geysatay in ay dadkeeda abaaraha iyo xaalada caafimaad daro isugu darsan tahay u helaan dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal heer caalami ah.

Hawlgaladan caafimaad ee ay Hayโ€™adda Khayriga ee Zayed Giving Initiative fullinayso oo bilow ah, ayaa noqon doonaa kuwo ay dalkeena ka fullinayaan sannadkii dhawr jeer, iyagoo iska kaashan doona Wasaarada Caafimaadka Somallilandย ย wasaaradda Caafimaadka ee Imaaraadka Carabtu.

bandhige@gmail.com