Philippines: Xagjiriin Dad ku dhex qafaashay Kaniisad

Philippine troops arrive at their baracks to reinforce fellow troops following the siege by Muslim militants Wednesday, May 24, 2017 in the outskirts of Marawi city in southern Philippines. President Rodrigo Duterte warned Wednesday that he'll be harsh in enforcing martial law in his country's south as he abruptly left Moscow to deal with a crisis at home sparked by a Muslim extremist siege on a city, where militants burned buildings overnight and are feared to have taken hostages. (AP Photo)

 

Xagjiriin Muslimiin ah oo ku sugan dalka Philippines ayaa afduubtay baadari iyo dhowr qof oo kale oo ku sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Koonfureed ee Marawi.

Madaxweynaha Baadariyaasha madhabta Catholic ee dalka Philippines, Socrates Villegas ayaa sheegay in dadka kaniisadda lagu dhex qabsaday ay ku jiraan 10 qof oo u tagay cibaado iyo saddex ka mid ahaa shaqaalihii kaniisadda.

Kooxda mintidiinta ee afduubka u haysata dadka, ayuu sheegay inay dalbadeen in dowladda ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka.

Rabshadaha magaalada Marawi ayaa billowday talaadadii markii ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen meel la rumeysnaa inuu ku dhuumanayey hoggaamiyaha kooxda Abu Sayyaf, Isnilon Hapilon, kaasi oo baayaco la xirtay kooxda Daacish.

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa xukun milatari oo muddo 60 maalmood socon doona kusoo rogay gobolka koonfureed ee Mindanao oo magaalada Marawi ay ka tirsan tahay.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay in uu ka fakari doono in uu xukun milatari kusoo rogo qeybo kale oo dalka ka mid ah, haddii dhaqdhaqaaqyada kooxaha mintidiinta ay sii fidaan.

bandhige@gmail.com