Wasiirkii hore Arrimaha dibedda Itoobiya waxa loo doortay Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka

 

Wasiikrii hore Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa loo doortay in uu madax u noqdo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magacaeeda loo soo gaabiyo WHO.

Wuxuu noqon doonaa qofkii u horeeyay ee Afrikaan ah ee hoggaamiya Hay’addan Qaramada Midoobay ka tirsan, kadib markii uu ku guulaystay inta badan cododkii ay dhiibteen 186 dal oo xubno ka ah hay’addan.

Wuxu badali doonaa Margaret Chan, oo shaqada ka fadhiisan doonta dhammaadka bisha lixaad kadib muddo 10 sanno ah oo ay soo hoggaaminaysay hay’addan caalamiga ah.

Intii ay xilkaas haysay waxa lagu dhaliilay in uu aad gaabis u ahaa sidii ay wax uga qabatay hay’addu xannuunka Ebola oo ka dilaacay dalal Galbeedka Afrika ku yaala.

Hay’adda waxaa lagu dhaliilay in ay seegeen astaamo muhiim ah oo muujinayay baaxadda ay leedahay halista cudurkan kaas oo dilaacay bishii Desembar ee sanadkii 2013kii kaas oo markii dambana dilay 11,000 oo ruux.

Dr Tedros oo khudbad u jeediyay ergadii dooratay ayaa ballan qaaday in xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka dhici doona si “si hufan oo degdeg ah” wax looga qaban doono.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in uu u istaagi doono xaqa dadka danyarta ah.

“Jidadka oo dhan waa in ay nagu hogaamiyaan in adduunku uu helo daryeel caafimaad. Mana nasan doono inta aan arrintaas ka xaqiijinayno” ayuu sii raaciyay.

Waa kuma Dr Tedros?

Da’diisu waa : 52

Noloshiisa qoyska: Xaas iyo shan carruur ah ayuu leeyahay wuxuuna ku nool yahay Itoobiya

Shaqooyinkii uu horay u soo qabtay waxaa ka mid ah in uu soo noqday wasiirkii hore ee caafimaadka ee Itoobiya waxaa kale oo uu wasiir ka soo noqday wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Dhanka kalana waa cilmi baare ku takhasusay cudurka Malaaryada oo aqoonsi calaami ah haysata, wuxuu qaatay shahaadadada ugu saraysa ee jaaamacadi bixiso ee PhD isaga oo bartay culuunta caafimaadka.

Doorashadiisu muran la’aan ma ahayn

In Tedros la doorto waxaa horay u soo dhaweeyay ururuka Midawga Afrika laakiin muran la’aan ma ahayn.

Waxaa lagu eedeeyay in uu qariyay saddex jeer oo Itoobiya uu ka dilaacday daacuun, laakiin dadka taageersan ayaa sheegay in ay tahay iskuday si ula kac ah loogu curyaaminayo.

Kooxo ka mid ah mucaaradka Itoobiya ayaa si wayn uga soo horjeeda Tedros. Waxayna ku eedeeyeen in dawladda Itoobiya ay gaysanayso tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah ayna rumaysan yihiin in ay dawladu codka WHO ku doonayso in ay sare ugu qaaddo heerka Dublamaasiyaddeeda.

Dr Tedros ayaa sheegay in ka masauul ahaan hadafkiisu uu yahay in adduunku uu noqdo meel qofkaste u horseedda nolol caafimaad qabta oo wax soo saar leh.

Ergadii dooratay ayuu ku yiri “waxaan idiin ballan qaadayaa in aan subax walbe kici doono aniga oo ay iga go’antahay in aan isbadal sameeyo…. Diyaar ayaana u ahay in aan wax qabto.

Shanta arrimood ee ugu ahmiyad wayn shaqadiisan cusub

  • Casriyaynta daryeelka caafimaadka adduunka
  • Xaqiijinta in Hay’adda Caafimaadka Adduunku ay si degdeg ah uga jawaabto marka ay cudurradu dilaacaan ama xaalad degdeg ah timaaddo
  • In daryeelka Caafimaadka ee adduunku xuddun looga dhigo badqabka dumarka, dhallaanka iyo da’yarta
  • In dalalka laga caawiyo wax ka qabashada saamaynta isbadalka cimilada adduunku uu ku keenayo caafimaadka
  • Iyo in uu Hay’adda ka dhigo mid ay caddahay sida ay hawsha u wado oo lala xisaabtami karo.

bandhige@gmail.com