Qaar ka mid ah Ganacsatada Hargeysa waxay ka cawday ciidamada Dawladda Hoose oo boob ku haya hantidooda

 

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada waaweyn ee caasimada hargeysa ayaa cabasho xoogleh usoo gudbiyey masuuliyiinta dawlada, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, wasaaradda arrimaha gudaha iyo laamaha amniga, Cabashada ganacsatadan ayaa waxay salka ku haysaa ciidamo aan saldhig lahayn iyo dhallinyaro shufto ah oo wada socda kana amar qaata maayirka caasimada ee Cabdiraxmaan SOLTELCO oo boob, hanjabaad iyo dhac ku haya waa sida hadalka ay u dhigeene.

Ganacsatadan ayaa waxay maalmahanba cabashadooda usoo gudbinayeen saldhigyada ciidamada bileyska sida saldhiga dhexe ee caasimada iyo saldhiga New hargeisa, muddo markii cidiba ay dheg iyo jalaqba u siin weyday warkooda ayaa waxy shalay dacwadooda la horyimaadeen masuuliyiinta qaranka heer gobol, wassarada arrimaha gudaha gaar ahaan wasiirka amniga, wasiir ku xigeenka, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maamulka iyo agaasimayaasha laamaha amniga.

Sidoo kale waxay warbaahinta iyo Masuuliyiinta qarankaba u xaqiijieyeen in maalmahanba si arxan darro ah loola dhaqmaayay oo meheradahoodii iyo hantidoodiiba la baabi’iyey, Afhayeenka gudida ganacsatada ee caasimada oo si qoto dheer uga waramay dacwadan ayaa waxa uu yidhi:

Dacwadayadani waxay kasoo gudubtay dhamaanba saldhigyada caasimada kuwo dhexe iyo kuwo heer degmaba, waxaan halkan idiinku caddeynayaa inaanay dawlada dhexe wax war ah ka haynin budhcaddan isugu timid dawlada hoose ee hargeysa, sababtoo ah waxay noqdeen dad usoo shaqo tagay sidii ay u xalaashan lahaayeen hantida umadda, waxay boob iyo dhac ku hayaan meheradihii ganacsadu lahaayeen, hadii aad kawar qabtaan iyo hadii kaleba waxa jira ninman shufto ah oo dhalinyaro ah waxay wataan askar bileys ah oo direyskii ciidanka qaranka sharaftiisii diley waxay ka amar qaataan maayirka caasimada Cabdiraxmaan Soltelco, iyagoo kooxo kooxo u socda ayay meheradaha dadka iskasoo galayaan waxba ku weydiin maayaan waraaqo dacwado ah ma sitaan meheradaada intay iska baadhaan oo sidey doonaan ka yeelaan ayaa hadii aad lahadashana intey ku qabtaan ku xidhayaan kadibna 4 illaa 5 milyan oo shilinka somliland ah kugu ganaaxayaan.

Afhayeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

“Intooda badanina habdhaqankoodu waa nidaam tuugonimo ah oo hantidayadii xalaashadey hadii sidan ay wax kusii socdaanna waanu is difaaci waanaan la dagaallami doonaa nimankaas, waa arrin runtii aad u fool xun waana wax khalad ah hadii dambi nalagu hayo annaga ayaa dambiilayaal qaran ah hadii kale nimankan iyo qolyahan dawlada hoose hanallagasoo qabto.”

Wasiir ku xigeenka amniga oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi:

Run ahaantii waa laydinla qaatay dacwadiinan waa arrin culus waxbaanu ka qabaneynaa insha-allah sida ugu dhakhsaha badan  dibna u arki meysaan balse walaalayaal idinna dadkiin u naxariista oo sixir bararkan iyo maciishadan hoos nooga dhiga nabad galyadanna aynu ilaashano runtii waxa xusid mudan in arrintani ay tahay camalkiinii ee bal dib isugu noqda oo dadkiina u tudha, waxan aad shicibka iyo annagaba naga iibineysaana bal dib u eega oo date kiisa iyo waqtiga uu dhacaayo nagasoo hubiya markaad soo qaadanaysaan, runtii annana hawshaas waanu daba galeynaa waa sharci darro waanu la tashaneynaa dibna idiinku iman maayaan nimankaasi.”

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale” oo guddoominayaay shirkaas isla markaasna xafiiskiisa ku qabtey ayaa isna waxaa hadalladiisii kamid ahaa:

“Qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahayba waa inuu gartaa, may ahayn inaydun meheradihii soo wada xidhaan aad tidhaahdaan dadka waxba ka iibin meyno, maadaama xadhig iyo ganaax naloogu hanjabaayo, balse arintu waxay tahay inaydun dacwadiina intood soo qorotaan aad mar horeba noola timaadaan, waa arrin fool xun arrintani mana qurux badna runtii tallaabo ayaanu kasoo saari doono ka masuullo ahaan, halkan waxaa fadhiya wasiirkii amniga ee hawshani khuseysay, ku xigeenkiisii, talyihii ciidanka iyo masuuliyiin kale oo ka socda laamaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha, waanu isaga iman idinkana waxaanu idiinka baahanahay guddi kooban oo si joogto ah iigu xidhnaata oo hadba xaalku halka uu maraayo ilasoo socodsiisa si aan xaalka ula wada soconno.”

Guddoomiye Buraale waxa uu farriin adag u direy ganacsata sixir bararka umadda ku wadda iyo nimanka sharciga kolba sida ay doonaan u maamulanaaya, wuxuuna yidhi:

 “Idinka yeeli mayno inaydun shicibka danyarta ah aad raashinka ku qaaliyeysaan, idinka yeelimeyno inaydun lacagteena qaranka hoos u dhac ku ridaan, waxa waajib naga saaran yahay adkeynta iyo ilaalinta amniga gobolka iyo caasimadda hargeysa, waa inaydun nala shaqeysaan oo cashuurta iyo wixii xaq leydunka leeyahayba aad bixisaan waajibkiina garataan, annana waajibka naga kiin saaran waanu kasoo baxaynaa arintaana tallaabo adag ayaanu ka qaadeynaa.”

Gabo gabadii waxaa shirka soo xidhay oo isna goob joog ahaa wasiirka Amniga Qaranka,

Waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

Horta illaahay xaqa hayna garan siiyo, tawfiiqdana haynagu sugo oo abaartan innagu baahdey ee dad iyo duunyaba idleysay haynagasoo jebiyo, AAMIIN, Runtii hadalka waa lawada yidhi intiisii macnaha lahayd, waxaanse ku darayaa laba qodod, mid idinkaan idin odhan lahaa ka ganacsato ahaan, ummadda iyo shicibkiina u tudha oo raashinkan dhacay ama uu datekiisu muddada kooban yahay ee aydun dadka ka iibineysaan ka daaya, ta kale idinkaa nimankana companiyada ah wax ka soo iibsadee lacagtan dolarka ah ee aydun u kiishaysaan suuqyadiina sixir bararka aad ugu ridaysaan ka joojiya, midda kale annaga waxa waajib naga saaran yahay inaanu shicibka amnigooda illaalino illaahay haynoo adkeeyo amnigee, waxa xaq naloogu leeyahayna aanu garano cabashadiinan waanu idinla qaadanney runtiina waanu ka tashaneynaa go’aanno fula oo aydun ku qanacdaana waanu kasoo saareynaa barri maka aanu isla helno masuuliyiinta dawlada hoose iyo laamaha amniga dibna u arki meysaan nimankaa aydun sheegeysaan ee meheradihiina iska dhex yaacaaya iyo ganaaxaas culus ee aydun carrabka ku dhufateen toona.”   

bandhige@gmail.com