Qaar ka mid ah mudaneyaashii taabacsanaa Xil. Cabdiraxmaan Talyanle waxay xalay farriin goodi ah warbaahinta ugu dhiibeen Baashe M. Cadde

 

Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xildhibaanadii u codeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Talnyale doorashadii Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Muranku ka dhashay, ayaa ka digay fadhiga uu golaha wakiiladu u ballansan yahay in lagu doorto guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi, waxaanay sheegeen in aan weli la xallin khilaafkii ka dhashay doorashadii guddoomiyaha oo ay wada hadalladii kaga bexeen dhinac baashe. Xildhibaanada oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, ayaa ku hanjabay in ay fadhiga goluhu u ballan san yahay keeni doonaan Cabdiraxmaan Talyanle, isla markaan wixii dhib ah ee halkaasi ka dhacda uu masuul ka noqon doono Baashe Maxamed Faarax.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: