Halbeeg Habawsan W/Q Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Siday inta badan xusto sooyaalka taariikheed ee bulshooyinka kala duwan ee caalamku way ku kala duwan yihiin cabbirka ay saaraan horumarka dawladnimada ama nidaamka xukuumadeed ee markaa jira. Innaga (Jamhuuriyadda Somaliland) xaaladeheena intii ka dambeysay 1991kii waxaa la majara-habaabiyay miqyaaskii la saari lahaa dhaq-dhaqaayada kala duwan ee xukuumad, dawlad ana xisbi ba. Marka hadda ba laga hadlayo wax-qabadka xukuumadda maxaa loo bar-bar dhigaa xukuumaddii ka horeysay ama tii ka sii horeysay? Marka laga hadlayo Caasimadda Hargeysa iyo waxa laga qabtay bilic-ahaan iyo horumar ahan ba maxaa la isku bar-bar dhigaa Maayarradii kala dambeeyay? Marka masuul xil loo dhiibay laga hadlayo maxaa shaqadiisa loo bar-bar dhigaa masuulkuu xilka ka dhaxlay? Maxaa xisbiyo aan waxba ku kala duwanayn la isku bar-bar dhigaa? Waydiimahan aan kor ku soo xusnay waa su’aalo aynu u baahanahay inay ka jawaabaan dad caafimaad qabaa oo cabbirkooda iyo heerkooda waayo-aragnima-ba sarreeyo.

Marka xukuumad talinaysa la barbar-dhigayo xukuumad ka horeysay waxa markiiba dad ku xeeran nidaamkaas jira ay u carbisan yihiin inay qariyaan ceebaha iyo gal-daloolooyinka ay leedahay xukuumaddu, markaasay barbar-dhigaan xukuumadii ka horeysay oo laga yaabo in ay dakhliga soo gala, miisaaniyadda iyo deeqaha ay ka heli jirtay dalalka caalamkaba ay aad uga yaraayeen miisaaniyadda iyo deeqaha ay hesho xukuumadda ay u guul-wadaynayaa.

Marka aynu u baahanahay in aynu cabbir saarno wax-qabadka xukuumadda markaa talinaysa, waxaa muhiim ah in la is waydiiyo xukuumadda maxaynu uga baahannahay ee ay tahay inay inoo qabato, tusaale ahaan, xukuumaddu maxay ka qabatay adeeg-yadii aas-aasiga ahaa ee waxbarasho, caafimaad, biyo nadiif ah IWM? Maxaa qorshe uga yaalla horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha? Maxaa qorshe uga yaalla yaraynta AAFADA TAHRIIBKA iyo yaraynta SHAQO-LA’AANTA, dhiiri-gelinta MAAL-GASHIGA? Inagoo haysanna qodobbadaas iyo kuwa kale oo badan maxaynu uga baahanahay inaynu barbar dhigno xukuumad ka horeysay.

Maxaa keenay inaynu indhaha-ka-qarsanno xaqiiqada dhabta ah ee jirta ee aanay xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray midkood na muhiimad iyo qorshe-toona ka yeelan. Oo ay ka mid yihiin maamul-xumo meel fog gaadhay, Musuq-maasuq xadka ka baxay iyo wada-lahaanshihii Somaliland ee sii yaraanaya.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ay soo mareen dagaallo, sokeeye, xasuuq na loo gaystay, markaad qodobkan eegto waxaad markiiba barbar dhigtaa dalalka Afrika ama caalamka kale ba ku yaalla ee sideenna dagaallo sokeeye iyo colaaddo soo mareen iyo siday uga soo kabteen. Tusaale ahaan Dalka RUWAANDHA waxaa ka dhacay xasuuqqii ugu xumaa oo hal milyan oo qof lagu xasuuqay muddo hal sanno ka yar. Xukuumaddii qabsatay xasuuqa ka dib may odhan xasuuq baa nalagu sameeyay oo gacmaha ismay dulsaaranine hore ayay uga socdeen oo maanta, Ruwaandha waxay ka mid tahay dalalka uu dhaqaalahoodu sida xawliga ah u korayo sidoo kale caasimaddiisa KIGAALI waa caasimadda saddexaad ee Caalamka ugu AKHTAR ka badan, sidoo kale na waa caasimadda ugu nadaafadda badan Afrika. Maxaynu isku barbar dhigi waynay dalalka sidan oo kale dhibaato badan kadib badhaadhe iyo barwaaqo u guuray. dalalka badan oo aynu isku heer-nahay haddaynu isku dhererino horumarka ay ku tallaabsadeen oo aynu kuwaa cabbirkeena ku salayno halkay gaadheen iyo siday ku gaadheen waxaynu fahmi lahayn waxa xukuumaddeena iyo dawladnimadeena ka qaldan. Qorshe toolmoonna waynu ka yeelan lahayn.

 

Tusaale ahaan Gobolada Somaliland iyo caasimadahooda ba marka aynu ka hadlayno horumarka iyo waxa laga qabtay muddadaas ay Somaliland dib-ula-soo-noqotay Madaxbannaanideedii waxaa markii ba laga qiyaas-qaataa masuuliyiinta xilalka la kala wareegay ama u kala dambeeyay oo la odhanayaa Maayar hebel wuxuu qabtay wax aanu qaban maayarradii ka horeeyay. Golaha deegaanka ee markaa joogaana wuxuu ku andacoodaa inuu yahay mid ka wax qabad badan kii ka horeeyay. Tusaale ahaan, Marka ay wax-qabadkooda soo bandhigayaanna waxay ku bilaabaan waxaanu ugu nimi laba gaadhi imikana waxaanu gaadhsiinay toban gaadhi. Dadweynuhu na markiiba cabbirkaa daciifka ah bay qaadanayaan oo ay odhanayaan waa golihii deegaanka ee abid ugu wax-qabad badnaa magaalo heblaayo.

Maxaa inoo diiday intaynu shakhsiyaadka hormoodka u ah tartansiinaynayo inaynu la tartanno magaalooyinka ama caasimadaha dalalka jaarkeenna ah sida Jigjiga, Addis Ababa, Nayroobi, Kambaalla. Oo nadaafad ahaan, bilic ahaan iyo Waddooyin ahaan ba aad inooga horumarsan. Oo aynu kaga dayano wixii horumar ah ee ay gaadheen si aynu u ogaano meesha aynu taaganahay, waxa inoo qabsoomay iyo meeshaynu hiigsanayno.

 

3deena Xisbi Qaran ee saldhiggoodu yahay Qabyaalad iyo Aragti la’aantu. Marka laga hadlaayo waxaynu is barbardhignaa xisbiyo aan asal-ahaan waxba ku kala duwanayn, xisbiyo afkooda uun dhawraya oo aan lahayn wax mabda’ dhaafsiisan kuwo waraaqo ku qoran oo Shalfisyada lagu qurxiyo. Maxaa inaga hor-taagan inaynu barbardhigno xisbiyada ka jira dalalka caalamka ee jiritaankoodu ku salaysan yahay mabda’ iyo aragti, aqoon iyo waayo-aragnimo.

 

Qodobbadaas aan kor ku soo xusnay waa qaar ka mid ah Halbeegyada Habawsan ee bulshadeenu ku macaamisho, waxaana keenaya sababo badan oo aynu isla wada garanayno. Waxaana ka mid ah

  • ciddan qaadanaysa halbeegga gurracan waa in doonaysa inaan la ogaan gol-doloolooyinka cidda ay difaacayaan oo dadka na u sawiraya hummaag aan haboonayn.
  • Faham la’aan ku salaysan inaan qofka muwaadinka ahi aanu fahamsanayn waxa xaq loogu leeyahay iyo waxa uu xaqqa u leeyahay markay timaado arrimaha xukuumadda iyo dawladnimada.
  • Daacad la’aan ka timaada masuulka xilka loo igmaday oo ka faaiidaystay bulshadan aanu wacyigoodu dhisnayn kaas oo ku kalifaya inuu ka lumiyo hannaankii halbeegga toolmoon
  • Waxaan jirin khibrad la kala dhaxlo iyo xog-keydsan oo umadda lala wadaago taas oo keenaysa qofka xilka yimaadaaba uu is yidhaahdo intaad qabatay mooyee waxba kaamay horeynin.
  • Wax-wada-lahaansho iyo ka qeyb-galin la’aan ka jirta meel walba oo inta markaa hawsha ku jirtaa uun ay isku koobaan dadkana ka xigsadaan sidii oo ay iyagu leeyihiin.
  • Dadka inta badan runta sheega ee xaqiiqada ku nool lama jecla. Sababtuna waxa weeye, Dareenkii wadaninimo iyo kii bini-aadamnimo ayaa meesha ka baxay. Muddadaas Somaliland jirtay na waxaa aad u kordhay kali-noolaanshaha ku salaysan (ANAANIYADDA) inuu qof walbaaba dantiisa gaarka ah ka horeysiiyo ta guud, si uu kalidii u noolaado.

Waxaan ku soo af-meerayaa dhaq-dhaqaaq walba oo aynu u baahanahay inaynu diiradda saarno ama ogaanno halbeeggiisa waa inaynu is waydiinaa. Asal ahaan maxaa looga baahan yahay, hadday xukuumadda tahay siday ahayd inay u dhacdo, waxqabadkeedu ma yahay kii ay bulshadu ka filaysay ee horumar taama lagu gaadhi lahaa, mise maaha. Inagoon markiiba u isticmaalin halbeeg aan xaqiiq ku salaysnayn oo isdifaacid iyo caadifad ku qotoma.

Haddaynu cabbir samaynayno aynu is barbardhigno dalalka, magaalooyinka ama xisbiyada dhiggeena ah ee caalamka wax-qabadyadooda ama Qaab-dhismeedkooda si aynu u fahamno xaaladdeena iyo xaaladahooda. Si aynu uga badbaadno halkeeggan ina daashaday ee ah waxaynu nahay CURDIN. Waa in bulshada wacyi-gelin badan loo sameeyaa lana fahamsiiyaa xaqqa ay dalkooda ku leeyihiin iyo xaqqa dalkoodu ku leeyahay muwaadiniinta.

 

 

W/Q Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Email: action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland