Wararka ka imanaya dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sheegaya in wada-hadallada la doonayo in dhammaadka sannadkan soo socda uu xilka uga dego Madaxweyne Joseph Kabila ay u dhaw yihiin in lagu heshiiyo.
Dalka DR Koongo ayaa ku jiray qalalaase tan iyo markii uu madaxweynuhu diiday in uu xilka ka dego kadib markii todobaadkii la soo dhaafay uu dhammaaday muddo xileedkiisii labaad.
Wufuudda ka qeyb qaadanaysa wadahallada ayaa sheegay in inta badan faafaahinta hindisaha heshiiska la isku afgartay.
Madaxweyne Joseph Kabila ayey suuragal tahay in uu sii hayo xilka ilaa bisha December ee sannadka soo socda, xilligaasi oo looga dareeri doono doorashooyinka dalkaasi, hase yeeshee waxaanan u suuragalayn in uu markale u tartamo xilka uu hayo.
Raysal-wasaare ayaa waxaa laga soo xuli doonaa mucaaridka. Hase yeeshee waxaa weli la isku afgaran la’yahay awood qaybsiga dawladda ku meel gaadhka ah ee la dhisi doono.
Habeenkii Jimcaha oo dhan ayaa waxa socday wada-hadalo aanay wax natiijo ah ka soo bixin, walow ay jirto rajo ah in maanta la saxiixo heshiis.
Waqtiguse waa uu cararayaa oo wadahadallada ay gadhwadeenka ka tahay kaniisadda catholic-ga, ayaa baadariyiinta kaniisaddaasi waxa ay dib ugu laabanayaan ka qeybgalka ciidda masiixiga.