Qalalaasihii Daanta Galbeed oo sii kordhay, wiil Falastiini ah oo toogasho lagu dilay

Qulqulatooyinkii beryihii ugu dambeeyey ka socday Israa’iil ayaa kor u sii kacay kadib markii ay shalay iyo maantaba askarta Yuhuuddu toogteen laba nin oo Falastiiniyiin ah.

Wiilka maanta la dilay oo magaciisu yahay Yaxya Taaha, da’diisu ay tahay 21jir, waxa lagu toogtay bar kantarool oo ku taal daanta galbeed, wuxuna u geeriyooday xabado madaxa lagala haleelay.

Booliska Israa’iil ayaa ku doodaya in ay ninkaas toogteen kadib markii uu si kedis ah uga soo booday gaadhi isagoo doonayey in uu dhuunta ka liso askari Yuhuudi ah, waxanay rasaastu cuskatay isaga oo aan wax khasaare ah gaysan.

Shalay sidoo kale ciidanka Israa’iil waxa ay toogasho ku dileen wiil kale oo Falaystiiniyiin ah. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska Israa’iil, wiilkaas waxa la toogtay kadib markii uu askari Israa’iili ah si ba’an toori ula dhacay. Askarigii sida la sheegay waxa lagu dawaynayaa cisbitaal Israa’iil ku leedahay Daanta Galbeed.

Qalalaasaha ka taagan Daanta Galbeed ayaa u muuqda in uu ka sii darayo oo haatan gacanta la iskula tagay. Labadii bilood ee ugu dambeeyey waxa rabshadahan lagu dilay 98 Falastiiniyiin ah iyo 21 Yuhuud ah.

Sidoo kale, in ka badan 800 oo Falastiiniyiin ah ayaa xabsiga loo taxaabay muddadaas gaaban, waxayna jeelka ku jiraan iyadoo aan la hor keenin wax maxkamad. Sida looga bartay Israa’iil, maxaabiista Falastiin waxa ay u isticmaashaa cadaadis, sidaas daraadeed waa ay adag tahay in maxaabiistaasi ay si sahlan u helaan xorriyaddooda.

Dawlado waaweyn oo dunida ah ayaa isku dayey in ay qalalaasahan wax ka qabtaan waxana ugu weynaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry oo dhawaan booqasho ku tagay Israa’iil, hase ahaatee sida muuqata ma jirto cid ku guulaysatay daminta colaaddan iyo joojinta dhiigga qubanaya.

Bandhige@gmail.com