Qaramada Midoobay oo ka shiraya maandooriyaha

Labaatan sanno kadib waxa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka shirayaa sidii uu dib eegis ugu samayn lahaa qaabka loola dagaalamo maandooriyaha.

Saddex maalmood ka hor intii aanu bilaabmin shirkani ayaa dad gaadhay kun waxay warqad furan oo ay saxeexeen soo hor dhigeen Qaramadaย  Midoobay taasi ka hadlaysa in sii fiican oo furan looga hortago maandooriyaha.

Dadkani waxaa ka mid ah madaxweyneyaashii hore ee Mexico, Colombia iyo Brazil.

Waxa warqadda lagu sheegay in siyaasadaha haatan jirta ay fashilmeen isla markaana lagu baaqay in culayska la saaro dhinacyada caafimaadka iyo xuquuqda aadanaha.

Warqadda waxa lagu sheegay in malaayiin qof xabsiyo daafaha dunida ku yaal ay ku jiraan, falal dambiyeedka loo haystaana aanay ahayn in ay dad kale dhib u gaysteen.

Waxa kale oo ay ku sheegeen warqadan in inta badan dadka xidhan ay yihiin kuwo sabool ah ama ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Khudbad uu xog-hayaha Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, jeediyay bishii hore ayuu ku sheegay in loo baahan yahay hanaan isku dhafan oo lagu cidhib tiro maandooriyaha.

bandhige@gmail.com