Saturday, July 27, 2024
Home Warar Qaraxyo is-da...

Qaraxyo is-daba-joog ah oo Booko Xaaraam maanta ka fulisay Nayjeeriya

Kooxda xagjirka ah ee Booko Xaaraam ayaa maanta Nayjeeriya ka fulisay qaraxyo is-daba-joog ah kuwaas oo sahayday nolosha ugu yaraan 10 qof oo rayid ah halka ay 39 kalena ku dhaawacmeen. Qaraxyadu waxay ka dhaceen magaalada Maiduguri oo ku taal waqooyiga dalkaas.

Qaraxan waxa fuliyey afar qof oo naftood hureyaal ah kuwaas oo isku qarxiyey is-goyska loo yaqaan Ajilari Cross.

Hay’adda xuquuqda aadamaha u doodda ee la yidhaa Amnesty International ayaa arbacadii ku baaqday in wax laga qabto kooxdan oo caadaysatay qubista dhiigga shacabka. Laga soo bilaabo bishii lixaad ee sannadkan, kooxdani waxay dishay 1600 oo qof oo rayid ah oo ku kala noolaa Nayjeeriya, Kamaruun, Jaad iyo Nayjer.

Laga soo bilaabo wakhtigii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Nayjeeriya Muxamadu Buhaari 29-kii May 2015, kooxdani waxay dhegta dhiigga u dartay 1260 qof oo rayid ah Nayjeeriya dhexdeeda oo kali ah sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Tan iyo intii ay Booko Xaaraam bilawday hawlgalladeeda oo ku beegnayd 2009-kii, waxa gacantooda ku baxay 17,000 oo qof iyadoo 3500 oo ka mid ahi sannadkan geeriyoodeen. Sidoo kale, Amneysty International waxa ay diwaangelisay in laba milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ay ku baro-kaceen weerarrada Booko Xaaraam.

 

bandhige@gmail.com