Salmaan samir badnaayee Qaybtii 1 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

 Tubta nolosha iyo ku tookha diinta

Waa sheekadii Salmaan Al Faarisii

Qaybtii Koobaad

Mid ka mid ah waddooyinka ugu habboon ee aadamaha maankiisa wax loga dhaadhiciyo waxa ka mid ah in loo soo tebiyo sheeko dhabnimadeeda aanu shaki ka taagnayn.

Salmaan Al Faarisi waa mid ka mid ah jaalleyaashii ugu faca weynaa ee Suubanaha muddo dheer la deggenaa. Sida ku sugan dhigganaha weyn ee Axmad binu Xanbal ku ururiyay axaadiista loona yaqaanno Musnadu Axmed, waxa uu u warramay saxaabigii la odhan jiray Ibnu Cabbaas.

Hadalkiisii oo dhammaystiran ayaanu idiin soo tebin doonnaa. “Waxaan ahaa nin u dhashay waddankii Beershiya, gaar ahaan reer Asfahaan ayaan ahaa. Tuulada aan degi jiray waxaa la odhan jiray Jayi. Aabbahay wuxuu ahaa duqa tuulada aan ku noolayn. Waxaan ahaa wiil aabbihii aad u jecelyahay. Wuxuu ii ilaalin jiray sidii gabadh gashaanti ah loo ilaalin jiray. Dedaalka ugu xoogganaa waxaan dul dhigay diinta Dab-caabudka ama Majuuska illaa aan ka noqday qofka dabka shida.

Sidoo kale, aabbahay wuxuu lahaa beer weyn. Maalin ayuu aad ugu mashquulay dhisme uu lahaa. Ka dibna wuxuu ii sheegay inaan beertii tago, soona eego. Waxa kale oo uu i faray inaan hawlo ka qabto. Waan baxay si aan beertii aabbahay u tago. Kolkii aan waddadii marayay ayaan arkay kiniisad ka mid ah kiniisada Nasaarada. Way tukanayeen dadkii ku sugnaa, codkooduna dhagahayga ayuu ku soo dhacayay.

Laakiin ma dhaadsanayn waxay ka hadlayaan waayo aabbahay ayaa guri igu hor joogi jiray oo ma ahayn nin ka warqaba waxa dibadda ka dhacaya. Goobtii ayaan gudaha u galay, bal si aan u fiirado waxay samaynayeen. Kolkii aan galay, waxa aad ii soo jiidatay salaadda ay tukanayeen, waxaanan jeclaaday diintoodii. Durbadiiba naftayda ayaan ugu sheekeeyay inay diintani tahay diin ka fiican tii aabbahay iyo dadkayagu ku dhaqmi jireen.

Eebbe Weyne ayaan ku dhaartaye, kama tagin goobtii illaa ay cadceeddii dhacday; beertiina maba tagin. Waxaan intaas ka dib weydiiyay waddanka ay ka soo farcantay diintani. Waxay iigu warceliyeen in diintani ka timid dhulkii la isku odhan jiray Shaam. Waxaan u imid aabbahay. “Inankaygiiyaw xageed tagtay? Saaka maanan kula sii ballamin?”ayuu aabbahay yidhi. Aniguna waxaan ku idhi, “Aabbo saaka waxaan sii maray qolo kiniisad ku cibaadaysanaysa, waxaana aad ii cajabiyay wixii aan ka arkay diintooda.”

Aabbahay markiiba wuxuu igu yidhi, “Aabbo diinteenna ayaa ka fiican.” “Mey, aabbo kama fiicna. Diintooda ayaa teena ka kheyr badan”, ayaan idhi. Lugta ayuu iga xidhay oo weliba silsilad bir ah ayaa la igu xidha, guriga ayaana laygu xabisay mar labaad. Farriin ayaan u dirsaday dadkii kiniisada joogay. Waxaan ka codsaday in ay ii soo sheegaan haddiiba ay arkaan socoto ka timid Shaam. Socoto ayaa Shaam ka timid, arrintiina waa la i soo gaadhsiiyay, waxaanan u sheegay in la ii soo sheego kolka ay dib u noqonayaa ee ay alaabtooda dhammaystaan. Salmaan wuxuu yidhi, “Birtii ayaan lugtayda ka furay, yagiibaan raacay, illaa ay i geeyeen Shaam.

Dadkii aan Shaam ugu imid ayaan weydiiyay diintan ay haystaan cidda ugu fadliga badan. Waxa loo sheegay ninkii ugu aqoonta badnaa ee kiniisadda haystay. Waxaan ninkii ku idhi, “ Waxaan jeclaystay diintan, waxaan sidoo kale jeclaystay inaan kuu adeego. Inaan waxkaa barto, isla markaana kula cibaadaysto ayaan rabaa. Wuu iga aqblay, hawraarsan ayuuna ku warceliyay. Saw ninkani waa nin xun – dadka sadaqada ayuu farayaa, kuna dhiiri galinayaa, kolka loo soo ururiyana isaga ayaa dib u qarsada oo qasnado hoose ku aasta. Dadka masaakiinta ahna waxba muu siin jiray.

Xaddi badan oo dahab iyo maar ah ayuuna qarsaday. Kolkii danbe aad ayaan u nacay ninkaas, waxaan gebi ahaanba diiday wuxuu samaynayo. Waxa geeriyooday sheekhii Nasaarada ahaa. Dhammaan dadkii Nasaarada ahaa ayaa isu yimid si ay u aasaan. Kolkii hawsha lagu jiray ayaan idhi, “Ninkani nin xun ayuu ahaa. In wax la bixiyo aduu dadka fari jiray, wuuna jeclaysiin jiray, kolkaad u keentaan ayuu aasan jiray.” Sideed ku ogaatay ayaa la weydiiyay. “Waxaan idin tusayaa keydkiisiiba”, ayaan ku idhi. Inuu tuso ayaa laga codsaday, wuxuuna geeyay meeshii keydku ku jiray.

La soco qaybaha dambe……

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797