Qiimaha shidaalka suuqa caalamka ayaa foostadiiba $50 noqotay maanta halkii ay toddobaad ka hor ka ahayd $47. Waxaa ku yimid kor u kac 6% ah.
Kor-u-kacan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii iskaashatada caalamiga ah ee dhinaca shidaalku ee ku midoobay ururka OPEC loo yaqaan ay heshiis gaadheen iyadoo ay marka hore is mari la’aayeen dawladaha ka tirsan OPEC ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka.
Muranka ugu badan wuxu ka dhaxeeyey Sucuudiga, Iiraan iyo Ciraaq oo ah saddexda dal ee shidaalka ugu badan ee dunida soo saara.
Iiraan waxay ka cago-jiidaysay in ay yarayso xaddiga shidaalka ay soo saarto maadaama ay muddo badan cumo-qabatayni saarnayd iyadoo aaminsan in ay u baahnayd in ay shidaal badan iibiso si ay uga soo kabato dhaqaalo xumadii haleelshay intii cumo-qabatayntu saarnayd.
Ciraaq waxay ku doodaysay in ay dagaal kula jirto ISIS sidaas daraadeedna soo-saarista shidaalka oo ay yaraysaa ay ku keeni karto dhaqaale yaraan taasina ay gacanta sare siin karto kooxda mayalka adag ee ISIS.
Dhinaca kale, Sucuudigu wuxu ku doodayey in xaddiga shidaalka ee laga dalbanayo in uu soo-saaristiisa hoos u dhigaa ay aad u badan tahay loona baahan yahay in heer macquul ah la waydiisto. Isaga qudhiisu wuxu ku dooday in uu dagaal kaga jiro Yemen sidaas daraadeedna uu ku khasban yahay in uu si macquul ah u fikiro.
Ugu dambayntii waxa tanaasulaadkii ugu weynaa sameeyey Sucuudiga oo oggaaladay in soo-saarista shidaalka uu hoos u dhigo 500,000 (shan boqol oo kun oo foosto) uu maalintiiba hoos u dhigo, halka Iiraan iyo Ciraaq-na ay oggolaadaan in ay hoos u dhigaan xaddi shidaal ah oo ka yar inta Sucuudiga.
Markii warku soo dhacay waxa suuqa shidaalka ee caalamku kor u booday 6% oo ah korodh waxoogaa ah balse aan walaac weyn ku abuurayn macaamiisha.
In kastoo laga yaabo in qiimaha shidaalka ay wax ku sii kordhaan bilaba soo socda, haddana lama filayo in uu sannadahan soo socda gaadho halkii uu gaadhay 18 bilood ka hor oo ahayd $112 foostadiiba.
Hoos-u-dhacii ku yimid qiimaha shidaalka caalamka ayaa dhaawac dhaqaale u gaystay dawladaha shidaalka ku tiirsan ee Sucuudigu hormoodka ka yahay.
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com