Qisasaka :Yurub Iyo Adoonsiga Gabadha!

Suuqa Ganacsi oo xoog ah ayaa ka jiray dalka Ingiriiska qarnigii 19aad. Dhaqankani wuxu aad u shabahayay  xayeysiiska iibka ee wakhtigan lagu soo bandhigo wargeysyada iyo Tv-da weliba nooca alaabada la xaraashayo oo la raaciyo astaamo gaar ah.

Sayladdan ayaa ahayd mid ninku uu gabadha uu qabo iibnayo marka ay wada noolaan kari waayaan iyadoo iyaduna sidaasi raali ka ah.

Iibkani waxa uu dhici jiray sayladda magaaloyinka iyadoo gabadha xadhiga qoorta looga soo xidhay, si loo muujiyo in la iibinayo iyo inay tahay xaraash dhakhso la isu dhaafinayo madaama ninkeedu uu yahay kan xaraashaya.

Waxaana iibka xaraashka gabadh aad qabto uu ka socday qarnigii toddobaad ilaa bilowgii qarnigii labaatanaad.  Sababta tan keentay ayaa ahayd in marka lamaanuhu wada noolaan waayaan ay is furan laakiin taasi gabadha laga rabo inay bixiso kharash ay ninka siiso, sidaa darteed marka ay weydo waxay isku  waafiqi jireen inuu suuqa ka xaraasho oo uu lacagtaasi u qaato.

Dumarka badankooda ayaa sidaasi ku qanacsanaa iyadoo aanay jirin waddo kale oo ay kaga badbaado nolol xumada ninka qaba.  Where the amount of money needed to free it from the marital bond you wish to dispose of was saved Sanadkii 1913, kiiskii ugu dambeeyay ee iibinta gabadha xaaska ku ahayd ayaa dalkaasi ka dhacay sanadkii 1913.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com