Guusha Waa Hadba Sida Aad U Maamulato Hantida!

Dalka Japan tirada dadkiisa ayaa kor u dhaaftay 120 malyuun iyadoo baaxadda dhulkiisu ay ka yar tahay tan dalka Masar. Dalkani malaha khayraad dabiici ah sida batrool, dhuxul dhagxa iyo macdanta xadiidka ah. Japan iyadoo aanay hantida dabiiciga ah lahayn haddana shacbigiisa ma hayso gaajo iyo saboolnimo midkoodna.

Japan Wuxuu dhinaca dhaqaalaha tartan kula jiraa Maraykanka. iyadoo waxa keliya ee ay ka faa’iidaysataan tahay khayraadka muhiimka ah ee uu haysto oo ah dadkiisa (Human Recourses) iyo wakhtiga, kuwaasi oo dunida dal kasta haysto. Halka Masar oo ka khayraad badan kana dhul balaadhan oo gaasta dabiiciga ah iyo khudaar badan dibada u dirta kana dad yari ay gaajo iyo macluuli ka taagan tahay.

Horumarku maaha hantida aad haysato laakiin waa sida aad ugu fikirayso oo maamulayso khayraadka aad heli karto ka faa’iidaysigiisa.   Kitbaaka. Dr. Mustafe Maxamud

Ra’iisal wasaarahii Mr.Shinzu Abi ee dalka Japan ayuu suxufi weriy ahi weydiiyay sanadkii 2012 inuu dunida u sheego sirta horumarka ay  gaadhay Japan. Ra’iisal wasaaraha Mr.Shinzu Abi ayaa ku jawaabay  “ Anagu maanu helin caqliyo yaab leh oo dadka ka duwan laakiin waxaanu ogaanay isleegta lagu gaadho horumarka oo ah  “ Aqoon + akhlaaq+ shaqo adag = Kacaanka horumarka.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com