Qisooyinka Qur’aanku waa barmaamij maalinle ah oo aan ugu talogalnay bisha barakaysan ee Ramadaanta. Waa barmaamij aan maalin kasta aan ku soo qaadan doono hal dhacdo ama qiso oo uu Qur’aanku ka hadlay iyo casharada aynu ka faa’iidaysan karno.
Baraamijka 20 aad ee barmaamijyada Qisooyinka Qur’aanka waxa aan kaga hadli doonaa qisadii gabadhii boqorada ahayd ee noolayd waqtigii Nabi Sulayman. Qisadii Gabadhan iyo sidii ay nafteeda iyo ehelkeedaba u badbaadisay waa qisa cajiiba oo u baahan in la dul istaago casharana laga barto.
Halkan ka daawo qaybtii labaatanaad, daawasho wacan: