Wefti uu hoggaaminayo Cali Waran Cadde oo ku sugnaa Burco ayaa waxay la kulmeen Madax-dhaqameedka Togdheer

Wefti  uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran Cadde oo maalintii Shalay Gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Bburco ayaa waxay xalay guriga martida ee Burco kulan afur iyo casho sharafa  kula yeesha Madax-dhaqameedka wax garadka iyo  cuqaasha kala duwan ee Gobolka Togdheer.

Weftigan sidoo kale waxa wehelinayey Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Axmed Faarax Cadare, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Cadaani, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Iyo Hawada Axmed NuurFaahiye, La Taliyaha Wasiirka Arimaha Guddaha  Axmed Xasan Cigaal iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer.

Kulankan ay wadaqaateen weftiga iyo Madax-dhaqameedku oo qaatay saacado kooban isla markaana warbaahintu dibedda ka joogtay ayaa lagaga wada hadlayey xasuuqii tuulada Jaamac Dubad iyo hawdka kilalka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo dhowaan dad lagu laayey.

Waxaana goobtaasi warbixin ka jeediyey odayaashii goob joog u ahaa dhacdadaasi oo ka hadlay sida dhacdadani aaan cidna loo aabo yeelin iyo siday u dhacday.

Dhinaca kale waxaa iyaguna dhankooda halkaasi ka hadlay madax-dhaqameedka kala duwan ee halkaasi  is kugu  yimi  oo  dhamaantoodba ku dheeraaday  sidii xal waara looga  gaadhi  lahaa xaalada soo noqnoqonaysa  ee deegaankaasi iyadoo isku  raacay in aanay marnaba colaadi ka dhaxayn  Dawlada Itoobiya laakiin ay dhibaatadu tahay Liyuu Bolis oo ah dad Beela.

Wasiirada xukuumadda oo  iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday  sidii la iskaga kaashan lahaa isla markaana go’aan mida looga gaadhi lahaa shicib iyo  xukuumadba aadna ugu mahadnaqay  madaxdhaqameedka nabada salka u  dhigay ee ilaa hadda aan wax jawaaba qaadin.

Ugu danbayntii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo halkaasi soo gunaanadayn ayaa ku dheeraaday xidhiidhka  labada dal iyo in ay nabad muhiim tahay waxaana uu sheegay  in ay dawladda Federaalka  Itoobiya arrinkani ka wada hadleen una balansan yihiin in ay iskaga yimaadaan taasi oo Federaalka Itoobiya ay sheegeen in ay arrintaasi baadhayaan.

Shirkan oo si waayeelnimo iyo guurtimo ah la iskula hadlay, la iskuna waafaqay  ayaa waxa la iskula qaatay in guddiyo ka tirsan cuqaasha bari kulan danbe la iskugu yimaado isla markaana laga soo saaro xog mug leh.

bandhige@gmail.com