Qoys u dhashay Somaliland oo lagu sumeeyey Yaman

Qoys ka kooban afar qof oo u dhashay Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in lagu sumeeyay magaalada caasimada u ah waaddanka Yaman, suntaas oo sababtay inay laba ka mid ah qoyskaasi geeriyoodaan halka labadii kalena cisbitaal ku yaala Sanca lagu Dawaynayo.

Axmed Cabdi Aadan oo ah suxufi Somali ah oo madax banaan islamarkaana ku sugan Sanca ayaa xaqiijiyey geerida Yuusuf Diiriye Xasan oo ku magac dheeraa Googaar iyo Xaaskiisii, sidoo kalena suntaa dhakhtarka loo dhigay laba carruur ah oo ay dhaleen oo lagu daweynayo.

wariye Axmed Cabdi oo ka waramaya siday wax u dhaceen ayaa sheegay in suabaxnimadii Salaasada (August 8) ahayd ee lasoo dhaafay laga war helay dhibaatada ku habsatay qoyskaas, halkaas oo gurigooda ku yaala xaafada Cadamiya ee magaalada Sanca laga helay Yuusuf Diiriye Xasan Googaar iyo xaaskiisii oo mayd ah iyo dhaawaca laba halood oo uu dhalay marxuum Yuusuf Googaar.

labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Samasam Yuusuf Diiriye oo dadeedu tahay 19 jir iyo Amal Yuusuf Diiriye oo da’deedu tahay 18 jir ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Mustashfa Dowli Al xadiis oo ku yaala Sanca.

Waxa kale oo wariye Axmed Cabdi uu sheegay in marxuumka geeriyooday uu ahaa mid caan ka ah waddanka Yaman islamarkaana wax badan u qabtay Soomaalida ku nool waddankaasi, isla markaana la soo shaqayn jiray ha’yado caalami ah oo ka shaqeeya samafalka bani’aadamka sida Ha’yada Qaramadda Midoobay ee Qaxoontiga Adduunka ee loo yaqaano UNHCR.

Axmed waxa kale oo uu sheegay inaan wali war rasmi ahi ka soo bixin baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in la sumeeyo qoyskaa, laakiin ay jiraan tuhuno lala xidhiidhinayo inay falkaasi ka dambeeyeen, sida ha’yada lagu magacaabo IDF oo marxuumka is dacwaynayeen, islamarkaana laba nin oo aan haybadooda la aqoonsani ay u dhaceen guriga marxuumka kana qaateen laptop marxuumku lahaa.

Warkan waxaanu kasoo xiganay shabakada wararka ee Somaliland Monitor.

bandhige@gmail.com