Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil ayaa ku baaqay in albaabada loo laabo hay’adda caawisa qaxootiga Falastiin ee UNRWA

 

Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqa in albaabada la isugu dhufto hay’adda UNWRA ee caawisa qaxootiga Falastiin, hay’addaas oo la aasaasay 1949 markii ay Falastiiniyiin badani ka qaxeen dhulkoodii oo ay Yuhuuddu ka qabsadeen 1948.

Netenyahu wuxu ku doodayaa in hay’addani ay dhan ka tahay Israa’iil isla markaana dadka ka faa’iidaystaa ay yihiin kuwo carqalad ku haya Israa’iil.

Hay’addan oo shaqooyin aad u badan qabata waxay caan ku tahay waxbarashada falastiiniyiinta. Waxay gacanta ku haysaa 476,323 arday oo Falastiiniyiin ah iyo
703 dugsi waxbarasho.

Af-hayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa riyo ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay Netenyahu.

Haweenayda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Halley ayaa la sheegay in ay ololahan qayb-ka tahay kadib markii uu Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil oo ku casuumay dalkiisu uu sidaa ka dhaadhiciyey.

Hay’addan oo dhaqaale badani ku baxo waxa lacagta ugu badan siiya Maraykan isagoo sannadkii siiya ilaa 300 oo milyan oo Doollar. Haddii uu Maraykanku dhaqaalahaa la noqdo way adkaanaysaa in hay’addaasi ay sii jirto.

Bandhige@gmail.com