Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Boortaqiiska ayaa loo xushay in uu noqdo Xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay

 

Antonio Guterres oo ahaa Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Boortaqiiska haatana ah Madaxa Guud ee Hay’adda Qaxootiga u Qaabilsan Qaramada Mudoobay “UNHCR” ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in uu hanto jagada Xoghayaha Gaarka ee Qaramada Midoobay ee muddooyinkii ugu dambeeyey tartan aad u culus loogu jiray.

Wuxuu beddeli doonaa Ban Ki Moon oo xilkaa hayey muddo 10 sanno ah iyadoo muddo-xileedkiisii labaad ku eg yahay 31-ka December isla markaana sheegay in uu isu sharixi doono madaxweynenimada Koonfur Kuuriya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaabilsan xulitaanka koowaad xoghayaha cusub ayaa sheegay in ay Antonio Guterres ka dhex xusheend 10 murashax oo dhammaantood jagadan u qalma laakiin ay isaga si gaar ah ugu doorteen waayo-aragnimada uu u leeyahay hawlaha Qaramada Midoobay iyo shaqadii wanaagsanayd ee uu qabtay intii uu ahaa madaxa guud ee Hay’addax Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR.

Antonio Gutterres wuxu sumcad weyn ku helay sidii uu ula tacaalay fatahaaddii qaxootiyada kala duwan ee 10-kii sanno ee ugu dambeeyey gaar ahaan qaxootiga Suuriya oo uu waddamo door ah oo reer galbeed ah ka dhaadhiciyey in ay magangalyo siiyaan gaar ahaan waddanka Jarmalka oo si deeqsinimo ah u qaatay in ka badan 1 milyan oo qaxooti ah.

Waxa kale oo lagu xushay Gutterres iyadoo shanta quwadood ee leh awoodda veto ay u arkaan nin danahooga is hirdinaya dhexdhexaad ka noqon kara.

Sidoo  kale Antonio wuxu noqday qofkii ugu darajada sarreeyey waraysigii laga qaaday 10 xubnood ee jagadan u tartamayey.

Antonio Gutterres waxa u hadhay in ay ansixiyaan Golaha Loo Dhan Yahay oo u ballansan in ay codka u qaadaan taas oo la saadaalinayo in ay si weyn u ansixin doonaan maadaama aan hore looga baran Golaha Loo Dhan Yahay  in ay soo celiyaan xubin ay soo xuleen Golaha Ammaanku.

25-kii sanno ee ugu dambeeyey waxa jagadan hayey qaaradaha Afrika iyo Aasiya, taas daraadeed ayaa sannadkan la filayey in Yurub, Australiya ama Koonfur Ameerika laga keeni doono cidda noqonaysa Xoghayaha Qaramada Midoobay.

Il-wareed: Washington Post

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com