Ra’isal Warsaarihii dalka Liibiya oo xilkii is casiley

Abdallah-Al-ThaniRa’iysal Wasaaraha uu Caalamku u aqoonsan yahay ee dalka liibiya Abdullah Al-Thani ayaa xilkii Ra’iysal wasaare-nimo ku dhawaaqay inuu iska casilay, goor ku beegnayd wakhti dambe habeenimadii xalay ahayd, markaasi oo uu ku gudo jiray waraysi uu siinaayay mid ka mid ah telifiishanada dalkaasi.

Xukuumadan uu Ra’iysal Wasaaraha ka ahaa Abdullah Al-Thani ayaa Shacabka reer Liibiya ku eedeeyeen in ay tahay mid fadhiid ah oo aan waxba ka qaban karin xaalada amni ee dalku marayo, halkaasi oo xukuumadan hore looga saaray Magaalada Tripoli ee Caasimada Dalka Liibiya , islamarkaana ay ku guul daraysteen in ay ka awood roonaadaan kooxaha xag jirka ah ee ku loolamaaya dagaalkaasi.

Ra’iysal Wasaare Abdullah Al-Thani ayaa isagu ka murugooday ka dib markii  wax laga waydiiyey xaalada amni ee dalkaasi liibiya, waxaanu uu Ra’iysal Wasaaruhu intii uu waraysiga ku gudo jiray uu si cadho leh ugu cel celiyey inuu iska casilay jagadii Ra’iysal Wasaare-nimo ee dalka liibiya.

Kadib markii waraysigaa lagu waydiiyey su,aal ahayd, in shacabka reer liibiya ay xaq u lee yihiin inay ku mudaharaadaan waxqabad la,aanta xukuumadiisa, waxaanu si cadho leh ugu jawaabay Ra’iysal Wasaaruhu ’’ wakhti xaadirkan mihiim ma aha in aniga la igu mudahaaraado sababtoo ah waan ka dagayaaba xilka ra’iysal wasaare-nimo.