Wasiirka beeraha oo soo kormeeray mashruuca beerista banka Wajaale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa socdaal shaqo iyo indho indhayn ah ku tagay mashruuca beerista Banka Wajaale.

Socdaalkan wasiikra waxa ku wehelinaayay Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha Gobolka Gabiley ayaa ujeedadiisu ahay indho indhayn wax-soo-saarka banka Wajaale oo sannadkan hoos weyni ku yimid, sababo la xidhiidha abaaraha haatan saameeyey Goboladda Galnbeedka.

Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sanadkan roobkii la filaayay uu hoos u dhacay, hase ahaatee ay ilaahay ka baryayaan inuu roobka karanta ee inagu soo fool leh uu noqdo mid wax soo saarka inoo suurta galiya, wasiirka oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:

‘’ Alxamdulilaah ilaahaybaa mahad leh, sanadkan roobkii aynu rajeynay ee Gu’gu aad buu u yaraa oo waxa uu hoos uga dhacay intii aynu filaynay, laakiin wakhtigan wixii aynu sugnaaba waa roobkii xagaaga da,i jiray, ee aynu karanta u naqaano. Sida roobkan helay dhawaan deegaamadda Wajaale, Gabiley iyo Dilla hadii uu sidaa ku sii socdo uu noqon doono mid aynu kagasoo kaban doono wax soo saarkii hoos u dhacay iyo abaaaraha, oo munaafacaad wanaagsan inoo yeesha, ilaahayna waxaan ka rajeynayaa inuu sidaa inoogu sii socdo.”

Ugu dambayntii Wasiirka Beeraha ayaa waxa uu dardaaran wax ku ool ah u soo jeediyay beeralayda deegaankaasi waxaanu yidhi:

“ waxa inoo bilaabmay roobkii Karanta oo hadii uu sidan inoogu sii da,o waxaa aan shaki ku jirin in uu noqon doono mid aynu wax kala soo baxno dhulka ee waa inaynu fadhiga ka kacnaa oo aynu ka faa’iidaysanaa, Maxaa yeelay sanadkan roobkii gu’gu ee aynu filaynay hoos ayuu u dhacay, kaasi oo sababay inay biyo la,aan iyo wax soo saarkii oo hoos u dhacaan, hadii ilaahay yidhaahdo Wasaarad ahaan anagoo dalka u qaabilsan dhinaca beeraha iyo cimilada waxaanu ku rajo waynahay inuu roobka karanta ee sanadkani noqdo mid suurta galiya inaynu wax soo saar badan kula nimaadno.”

Deegaanadda Galbeeda ayaa sannadkana waxa ku habsaday abaar aad u weyn, iyadoo Gobolka Salelna dad haraad ugu dhinteen.

 

bandhige@gmail.com