Rakaada Geella

Camel foot prints in Wadi Rum desert, Jordan

haydul-joogine tii

durduurtiyo tii

daftaay durug

sool inaad mari

sodon aad qadi

oo sidii noqon

saa biyaha ku cab

jidkii dheeraa waynu jeexiye waynu

jiidane jiijada xidh xidho

caraabada geella

sow caraabadu

caafimaad iyo

caano kuu ma leh

Shalluu dhaar maray

dhawr inuu dillo

dhawrna dhaawaco

dhawrna dhabar tiro

hadhaagaagoo

hebla godaliyo

hadhuub lagu tabay

waa habaar weyn

Caana waydsane

waa gartiiyoo

gu,gaan la xer geyn

qaalintaa godan ee

golxada dheer soo

godlaydiyo guurahaa idilay

nina dhaqashuu kuugu

dhabar jabay nina dhuunuu

kuu dhex joogaa

shalluu maajeen hoosta madaw

ku leh maraan marayoo

meelo ka hafsaday

Heesta wiilkiyo hoodayada

maqal oo ku soo hiro oo

haw kala hadhin

Marka yalasluhu yeedhi

waayaa adna yoomaay

laguu yaabaa

Seerma waydiyo sagaalaha

dirir waanu kugu simi hadaad

seegtana waanu kaa socon

Sadex boqoliyo sagaashan

hameen oo sadkaa yahay

Hameenkaan gudo Aan

guryaha maro Aan garayskiyo

guntiga U furo garaad badanuhu

Waaygu garan jiray

Meel bur cawsa leh

Oo biyo u dhaw Baadi doonyoo

Baar-qabkaagiyo Biciidkuba waa

Ma tukade iyo taarig wadatooy

toobad xumadaan kaaga tegeyoo

tiirey kugu nacay

Waa hor weyn tii markuu

hawd maro waraabe

hurdiyo haada kicin jirey

Shalay huguntoo hugun

baadhoo hadhuub-gaalkiyo

huggii ka anbaday

 

Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan

bandhige@gmail.com