Hagaha Akhriska

Taariikhda Akhriska Waxaa la sheegaa in Akhriska insaanka uu soo bilowday waqti aad u fog, qoraaga buugga “The history of reading” waxaa uu daaha ka rogayaa marxaladaha uu soo maray Akhriska, xilliyadii dhagaxaanta iyo looxaanta la isticmaali jiray ayaa kamid ah xilligii wax akhrisku jiray. Haddaan dib u milicsano taariikhda nabiyada waxaan la soconaa in nabi Suleymaan Calayhi salaam uu fariin u diray boqortooyadii Saba’ ee ka jirtay dalka Yemen. Sidoo kale falaasifada Giriigii hore ayaa la sheegaa in ay akhriska ku dadaali jireen, qarniyaddii hore meelaha xadaaradaha bani aadamka ka jiray waxaa kamid ahaa dhulkii Baabil ( dalka ciraaq), waxaa jira qoraallo badan oo ay diyaariyeen dadkii reer Baabil oo xilligaasi hogaanka u hayay ilbaxnimada insaanka, qarniyaddii dhexe jasiiradda carabta waxaa ka soo ifbaxay muslimiinta waxayna muddo kooban gudaheeda kula wareegeen xadaaraddii insaanka, saxaabada nabiga NNKH waxay ku dadaaleen qorista axaadiista laga weriyay nabiga NNKH, xilliyadii ka dambeeyay waxaa soo shaacbaxay qorista gabayada, xikmadaha, iyo funuunta kala duwan casrigaasi waxa uu ahaa xilligii Akhriska iyo qoraalka, maktabaddii magaalada Qurduba ee wadankii Andalus( Isbayn&Bortuqal) waxay qayb ka ahayd maktabadihii ugu weynaa ee jiray casrigii dhexe, buugaagta laga heli jiray waxay gaareen 400,000 ( Afar boqol oo kun) oo buug, waxaana xusid mudan in xilligaasi aanay jirin madbacada lagu daabaco buugaagta balse buugaagta waxaa lagu qori jiray gacanta.

 

Buuga: Hagaha Akhristaha

Qoraa: Abdirahman caaqil

Bandhige@gmail.com