Rasaas lagu furay safaaradda Maraykanka ee Turkiga

Nin gaadhi cad wata ayaa saaka abaaro salaaddii subax rasaas ku furay safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalo-madaxda Turkiga, Ankara.

Lama sheegin cid wax ku noqotay hase ahaatee rasaasta ayaa la sheegay in ay dhaawac u gaysatay daaqadda ay wax ka eegaan ciidanka ilaalada amniga safaaradda.

Booliska ayaa yimid goobta, isla markaana baadhitaan ku samaynaya sida ay wax u dhaceen.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya wakhti xidhiidhka Maraykanka iyo Turkigu marayo halkii ugu hoosaysay iyadoo lagu muransan yahay wadaad ay Turkigu xidheen oo sida Turkigu sheegay ku lug lahaa inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga laba sanno ka hor ka dhacay. Khilaafkan oo sababay in Maraykanku ganaax ku soo rogo Turkiga taag oo dhalisay in lacagta Turkigu ay si ba’an u qiimo beesho toddobaadkii la dhaafay.

Safaaradda Maraykanka ayaa dhawr jeer oo hore weeraro caynkan ah lagu soo qaaday, in kastoo aan wax dhibaato ah loo gaysan.