Raysal-wasaaraha Holland wuxu sheegay in dadka aan jeclayn dhaqankeena iskaga guuraan waddankoodka

 

Raysal-wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in dadka aan jeclayn dhaqan iyo qaab nololeedka Halland in ay iskaga tagaan waddanka.

Waraysi uu siiyay wargays dalka Holland ayuu u sheegay inay tahay wax lala yaabo in dadka qaar ay diideen inay dumarka salaamaan.

Dadka soo galay dhawaan waddanka oo isku dayaya in ay dhaqankooda dadka ku qasbaan ayaa ah wax laga caroodho ayuu yidhi, isagoo sheegay in dadka reer Holland ay dareemayaan in waddankooda uu ka baxayo gacantooda.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo fikradaha dadka laga soo urruuriyay ay muujinayso in xisbiga xoriyadda (Freedom Party) ee islaamka ka soo horjeeda, uu yahay xisbiga ugu taageero badan. Doorashada guud ee waddanka ayaa dhacaysa bisha Maaraj ee sannadkan.

bandhige@gmail.com