Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo shaaciyey in uu xilka ka degayo

Raysal-wassarah Ingiriiska David Cameron ayaa ku dhawaaqay in uu xilka ka dagayo bisha Oktoobar ee sannadkan kadib markii uu ku guuldaraystay in Ingiriisku ka sii mid ahaado Midowga Yurub.

Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii shalay ka dhacday dalkaas.

Wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in markabku aanu liicin – laakiin toddobaadyada iyo bilaha soo socda in loo baahan yahay hoggaan cusub.

Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Ingiriisku ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida.

bandhige@gmail.com