Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ugu dambayntii caddeeyey in uu xilka ka fadhiisanayo qirayna in tamartiisu isa soo gabayso. Laakiin wuxu sheegay in ay weli dadkiisu doonayaan sidaas daraadeedna uu u tartami doono doorashada la filayo in ay qabsoonto 2018 kadibna uu xilka ka degi doono marka uu dhammado muddo-xilaadkaasi wakhtigaas oo haddii uu noolaado ay da’diisu gaadhi doonto 99.
Waa markii koowaad ee hoggaamiyaha Zimbabwe laga maqlo in uu xilka ka degayo, waxanu sidaas u sheegay koox aad ugu dhaw oo ka soo qayb-qaadatay halgankii uu dalka Zimbabwe kaga xoreeyey caddaankii tirada yaraa ee maamulayey.
Mugabe wuxuu hoggaanka dalkiisa qabtay 18-kii April 1980 wakhtigaas oo uu noqday Ray’iisal-Wasaarihii ugu horreeyey ee Zimbabwe, wuxuna u xuubsiibtay Madaxweynaha Zimbabwe 22-kii December 1987. Isug geyn wuxu dalkaas u arriminayey 36 sanno oo ah intii dalkiisu uu xornimada haystay oo dhan.
Mugabe waxa lagu xasuustaa dagaalkii qadhaadhaa ee uu la galay kooxihii caddaanka ahaa ee beeraha Zimbabwe iska haystay iyo burburkii dhaqaalaha ee arrintaas ka soo gaadhay iyadoo dalka Zimbabwe ay lacagtiisu taariikhda ku gashay tii ugu sixir barbarka xumayd taariikhda dunida isla markaana la wariyey dadweynaha Zimbabwe in qaarkood gaajo u geeriyoodeen.
Madaxweyne Mugabe ayaa u sheegay saaxiibadii in Maraykanka iyo Ingiriiska uu ka guulaystay haatana ay ka quusteen ku-daba-jirkiisa taasina ay ku sii dhiirigelinayso in uu u tartamo muddo-xileedka soo socda si uu amba-qaado horumarka dalkiisa.
Robert Mugabe wuxu ka mid yahay madaxweyneyaasha ugu caansan Afrika, haddiiba aanu kan ugu caansan ahayn. Waxa lagu xasuustaa khudbadihiisa hal-adayga iyo madadaalada isugu jira iyo ximado dhinaca kaftanka bulshada ah oo uu caan ku yahay.
Il-wareed: The Independent
Bandhige News
Bandhige@gmail.com