Runtu way Sadwayntahay-beentuna Siniintaa! Terra.(WQ:Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye))

Salaanta Islaamka ka dib waxaan halkan kaga halcelinayaa muuqaal uu weriye la yidhaahdo Cabdirasaaq Terra, ugu gefay milgahii iyo sharaftii Ummada JSL, isla markaana ugu tuntay shuruucdii iyo qawaaniintii u degsanaa, iyo halbowlayaashii hayโ€™adaha Qarankeenu ku taagnaa gebi ahaanba, taasoo u baahan in degdeg loo saxxo khaladka ulakaca ee uu u geystay, si ay ugu noqoto cashar mid damboo loo soo adeesan lahaa dhaawaceedu.
Ninkan lagu magaaco Terra, waxuu inta daawatay soo baahiyey muuqaal uu ku suntay โ€œSiraha Qarsoon ee Somaliland & Aaga Madowโ€ kaasoo si ka baxsan anshaxa Islaamnimada iyo akhlaaqda qof caqliga leh ugu tuntay, ugana faafiyey xogo aan xaqiiqada ku fadhiyo iyo hadalo deelqaaf ku ah Ciidanka Qaranka ku faafiyey, taasoo dhab ahaan isaga iyo intii kale ku kacdaa ku mudan karaan ciqaabta Shuruucda & Qawaaniinta Qaranka JSL uga yaala ku xadgudubkoodu.
Hadalada ninkaasi oo si toos ah uga horimanaya shuruucda Qaranka Somaliland u yaala eek u xusan dastuurkiisa iyo sidoo kale xeerka saxaafada sida hoos ku qoran:
QODOBKA 34AAD ee Dastuurka JSL oo ka hadlaya WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA
1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.
2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.
MASUULIYADDA SAXAAFADDA-Qodobka 10aad oo ka hadlaya U Hogaansanaanta Xeerka Saxaafadda
1. Saxaafad kasta waxa ku waajib ah inay xaqiijiso in wax soo saarkeeda saxaafadeed ee ay fidiso uu noqdo mid run ah oo dheelitiran.

2. Saxaafad kasta waxa ku waajib ah ilaalinta iyo xafidaada sirta xeryaha ciidamada ee baahintoodu keeni karto in ay cadawgu wiiqaan istaraatiijiyada iyo awooda ciidan ee dalka.

Haddaba, anigoon ku sii dheeraanayn, faalaynta khaladaadka ula kaca ee ninkani ugu gefay anshaxa iyo asluubta war baahineed iyo akhlaaqda tebinta wararka ee Diinta islaamku inna fartay, waxaan u dhaafayaa sida hayโ€™adaha garsoorka JSL ee ku shaqada leh uga falceliyaan, taasoo aan filayo cawaaqib kastoo ka soo gaadha ninkan lagu magacaabo Cabdirasaaq Terra, noqon doono mid uu isagu gacmahiisa ku doontay, isla markaana aan heli doonin wax qiil ah ama marmarsiinyo looga hadlo waxii ka soo gaadha, ilayn hore ayaa loo yidhi, โ€œDoqon Sharcigu uma gargaaro!, waxaan kaga baxayaa ereyo ninkan Terra hore loogu tiriyey xilli hore oo uu qoray Sacad X Maxamuud Gadhleโ€
Ma ogtahay siciidow
Saxaafadi in ay tahay
Saldhigii aqoontoo
Tabintuna sir leedahay
Ma ogtahay siciidow
Suxufigii hogaansami
Sabaduu ku noolyahay
Saamayn ku leedahay
Bulsho waynta sixi karo
Cadaaladiyo sinaantiyo
Samahana ka talin karo
Nabadana ku sugi karo
Waajibaa ku saarane
Haku raadin sooryoo
Sii jeedka haku tabin
Haka suulin garashada
Dulmigana ha saacidin
Haku galin dir soociyo
Safashada qabiilkiyo
Sunta qaranka dumisiyo
Silbashada habawgiyo
Ka ilaali silitada
Saamigaaga garashada
Yuu safiihu maamulin