Maantaba waxa ay dadka qaar kugula meeraysanayaan oo wakhtiga kaaga luminayaan “ma ballanqaad baa kuu dagamsanaa oo laguu fulin waayey oo xil-doon baad ahayd, maxaad xukuumaddii aad guusheeda wax ku lahayd u mucaaridaysaa?!”
Alle idin qabey!
Mar keli ah ayaa xil laga dooni karaa hawl aad guusheeda wax ku lahayd. Waa marka ay kugu jirto xilkasnimo ah hanashadeeda ka qayb qaado, si aanay u fool hallaabin. Hase yeeshee taasi waa goorma?!
Waa marka kaalinteeda bannaani muuqato ee aad qaadan karto doorka aad ku yeelan karto. Ma ila socotaa!
Maanta ma taagna taasi oo waa “ciyigii waa’ ka baryey ninkii cuni baa ka liita”.
Haddii kornaylada aannu taageernay ay dhisi lahaayeen xukuumad tayo leh oo isu dheellitiran, si wacanna wax u maamuli lahaayeen, si dhaanta sidii ay wax u maamushay tii iyaga ka horreysey ee ay beddeleen, waa aannu sii taageeri lahayn oo weliba badhitaari lahayn, annaga oo aan xil ka hayn.
Wanaagga iyo caddaaladdaa nagu fillaan lahaa oo na deeqi lahaa.
Hadda se diidmadayadan laga webinayaa ma aha xil-u-dudis ee damqasho ka dhalatay xilkasnimo darro iyo hoggaan xumaan is barkan oo dal iyo dadba soo foodsaartay, tacab khasaarna noqonaysa.
Maxay leeftaa maba lulato’e. Maxaa xil loo dudaa, waxa ba halis ku jira jiritaankii iyo dawladnimadii xilku uu xil ku noqon lahaaye.
Maanta oo kale wax-isku-faleenka iyo xildhibeenku ma raadiyaan xil iyo hunguri toonna ee waa kuwa isku dhiba ee habeen iyo dharaar ka fekera raadinta iyo ka shaqaynta badbaado qaran iyo hindiseyaasha hal-abuurka aragti iyo himilo cusub.
Marka laga hadlayo bulsho iyo hawadinta hawlaheeda qarannimo qofka aan waxba diidi karini waxba ma dooni karo.
Shakhsiyaadka aan wax diidi karini ma dabri karaan kuwa wax doonaya. Waxa aannu doonaynaana waa wax ka weyn kun jeer xil xukuumad laga dhex qabto oo berrina lagaa qaadi karo.
Waxa maanta na riixayaa waa wixii shalay iyo dorraad na riixayey. Qabyo waa halkeedii, quusanna mayno.
Waxa aannu doonaynaa waa helidda dawlad madaxdeedu xilkas tahay oo sarraynta sharciga ku dhaqanta.
Waa helidda dawlad hoggaankeedu garasho iyo hal-abuur leeyahay oo waxa uu doonayo iyo halka uu higsanayo haddii uu indhaha isku qabto uu arkayo, marka uu hurdana ku riyoonayo, marka uu soo jeedo ama ha fadhiyo ama ha socdee uu ku fekerayo. Hoggaan daacad ah oo dadkiisa u siman oo mid u codeeyey iyo mid ka cideeyeyba la dareen ah oo ka war iyo wacaal haya.
Waa helidda adeegyo bulsho oo casri ah iyo horumar nolosha ummadda wax ka beddela oo haakah la yidhaahdo.
Waa helidda maamul wanaag iyo isla xisaabtan joogto ah sida xakamaynta iyo la dagaallanka musuqa, tuugada iyo boobka hantida ummadda u dhexaysa, eexda, qaraabokiilka iyo naasnuujinta xubno qaar ah sida qarankan soo dilootey.
Waa helidda maamul nooleeya dawladnimada iyo hay’adaheeda shaqo ahaan iyo haybad ahaanba.
Intaas iyo ka badan iyo bulshada oo ay rag iyo haweenba kartidooda ku hawl geliyaan ayaa kornaylada laga doonayey oo uu ballanqaadku ahaa, Allena ma waafajin oo hirwadii iyo walasaqadii hore loo eeday waa kuwaas sii cayaaraya ee maxaa xil laga quuddarreeyaa ama laga taageeraa waa agaraadamtaase.
Xalku se waa in dhab loo qiimeeyaa xaaladda waddanku uu ku sugan yahay oo su’aalo dhiirrasho leh oo waaweyn la iska weydiiyaa, talo na dib la isugu noqdaa inta ay goori goor tahay ee aanay lafta jabani kala bugsan, xeedho iyo fandhaalna kala dhicin.
NB: Mucaarid xumaantuna waa cuyuban kale oo welwelkeeda leh, xaaladdana sii kharribaysa, waayo mucaaridku waa halkii wax lagula eeran lahaa ee baddiilka samayn lahayd marka xukuumaddu xilkeeda gabayso ee ama iyada xakamayn lahaa ama in uu beddelo isu diyaarin lahaa.
Wakhtigu ku sugi maayo oo kulama saayirayo, taariikhduna kuu nixi mayso oo waa ay is qoraysaa, talo na adaa ku noole iyadu kuguma noola.
“Goonbaartu eelkay dhigtaba gaari baw xidhane
Godobteedu waxay saaran tahay meelo aan geyin!”