Ciidamada amniga ee dalka Ruushka waxay sheegayaan in ay dileen hoggaamiyihii daacish ee Waqooyiga Qowqaas.
Ruushka ayaa magaca ninkaasi ku sheegay Rustam Aselderov.
Waxay sheegeen in uu ka mid yahay shan qof oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo ilaalada wasiirka arrimaha guddaha ee Makhachkala.
Ciidamada Ruushka waxay sheegayaan in ninkaasi uu masuul ka ahaa weeraro badan oo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Ruushka.
Waxa ka mid ah weerarada lagu eedeeyay mid dad badan ay ku dhinteen oo dhacay 2013-kii.
Weerarkaasi waxa lala eegtay khad tareen oo shacabka ay isticmaalaan oo ku yaalla magaalada Volgograd.