Shacabka Taliyaaniga waxay u codeynayaan afti loo qaadayo is bedel lagu sameeyo dastuurka.
Waxa aftidaasi in la qabto ku baaqay Raysal wasaaraha Taliyaaniga, Matteo Renzi.
Is bedelka la doonayo in dastuurka lagu sameeyo ayaa ah in la dhimo awooda aqalka sare, lana xoojiyo awoodda dawladda dhexe.
Renzi wuxuu sheegay in uu is casili doono haddii aftida looga adkaado.
Dalalka kale ee midowga Yurub waxay ka cabsi qabaan in shacabka ay u codeeyaan “MAYA”.
Arrintaasi ayey sheegayaan in ay qalalaase iyo dhibaato ku keeni karto bangiyada Taliyaaniga.
Ololaha diidmada waxa hogaaminaya xisbi doonaya in dib u qiimeyn lagu sameeyo xidhiidhka Midowga Yurub iyo Taliyaaniga ka dhexeeya.