Waxaa jira nidaam loo yaqaano “hub-ka-dhigis, kala-daadin/dib-u-dadeyn iyo is-dhex-galka, waxaa luuqada qalaadna loo yaqaano Disarming, Dimobilization and integration”.
Nidaamkani waxa uu salka ku hayaa wadamada aay ku furan yihiin dagaalada xuduudaha ama guddaha ee qabiilada u dhexeeya.
- Hub-ka-dhigista (Disarming): in ugu horeeyn la qarameeyo ciidamada kooxeedka/jabhadda/qabiilka, marka xigtana qofka qoriga haysta la qoro askari isagoo shuruud u tahay inuu haaysto qori ama hub hadii kale aanu noqon- karin askari, marka uu hubka ama qoriga keeno hadhowna hubkaasi yahay hub qaran hadii u kabaxo nidaamka ciidanka, muhiimada maaha in ciidan lahelo waa in dadka shicibka ah ee hubka haaysta laga xareeyoo oo gacanta maamulka gasho.
- Dib-u-Dadeyn ama kala daadin (Dimobilization): kala daadinta waxa loo isticmaala in lakala furfuro kooxaha abaabulan ee isku-dhisan iyadoo loo adeegsanaayoo dhaqaale u dhigma ama kabadan kaay haaystaan kooxuhu, waxaa sidoo kale laga dhigaya dadkii qoriga qaatay in rayid laga dhigo. Qodobkan waxa la adeegsada dadka u faraha dhuudhuuban labada dhinacba hadhoow na marka mashruucaasi dhamaado waxa uu gala fasax-dheer.
- Dhexgalka (integration): waa qodobka ugu muhiimsan, dhamaan horjoogayaasha koxaha abaabulan ama jabhadda ama qabiilka waxaa loo magacaabaa meelo dhaqaale ahaan qoyan marka lasoo xereeyo, sidoo kale dadka taageersan kooxda/jabhadda/qabiilka waa in looo sameeyoo mashaariic dib u dejin ama dhisi kara noloshooda (livelyhood) sida shaqaalaysiin.
Dhanka kale nidaamka la furfuraayo waa in loo helaa goobo dakhli badan leh ama mashaariic qoyan sababta ugu weeyni waa in dadkaas la jeclaaysiiyo nolosha ama u helaan dhaqaale buuran taasoo aay ku dhexgalayaan bulshada wax-haaysata ee nabada jecel micnaha guri quruxbadan, gaadhi iyo nolol wanaagsan u helo horjooguhu kuna biiro dadka nabaddu danta u tahay. Nidaamkani waxa u baahan-yahay sadexdan qodob:
- Lacag/dhaqaale maamulka/daawladdu leedahay.
- Waa inaay jiraan dad labada dhinacba ka cuntami kara.
- Khaayraadka waddanka ama daawladda lagu koobo caasimadda si dadka soo galaay nidaamka loogu haaynkaro magaaladaaas.
Sidoo kale waa in nidaamka nolol wanaaguna aanu ku baahin dalka oo dhan hadii kale gacan ku haayntii ayaa daciifaysa sidoo kale marka qofka la fasaxo xilka laga qaado aanu helin meelo kale oo nolol ahaan uu ka doorbido caasimada iyo gacanta daawladda.
Nidaamkan Afrika inteeda badab waa ka hirgalii waayay.
Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qorayย Xasan Cabdi Shire:
Ma Dameer baa, mise waa libaax?
ย Kacaankii qunyar-socodka ahaa โsilence revolutionaryโ Q1aad
Kacaankii qunyar-socodka ahaa โsilence revolutionaryโ Q2aad
Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q3aad
Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q1aad
Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q2aad
Mullaaxda galool yaa maydhax looga diiraa? Q3aad
Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso!
Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah
Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay
Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha
Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha
Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta
Maamul-goboleedyada Soomaalida: Astaan burbur qaranimo